Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka
    Puntland

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa hirgelisay cutub cusub oo kamid ah Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo ku howlgalli doona diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.

    Diyaaradaha Drones-ka ah ee Ciidanka ku shaqeyn doonaan ayaa ka kooban saddex nooc, oo kala Drones-ka loo adeegsado Sahanka, kuwa is qarxiya iyo Drones-ka geysta duqeymaha meelaha durugsan.

    Cutubkan Ciidanka ah ayaa dhismihiisu soo billowday intii lagu guda jiray Howlgalka Hillaac ee Ciidanka Difaaca Puntland ku qaadeen kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas oo dhul ballaaran laga sifeeyay, lagana dilay in kabadan 1,500 oo kamid ahaa maleeshiyaadka Daacish, oo ay ku jireen xubno sarre.

    Bilo kahor, Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ugu deeqday Puntland taageerada xoojinta dhismaha cutubka, waxaana mid kamid ah dalalka gobolka iyo dalka Imaaraatka la geeyay qeybtii ugu horreysay ciidamada loo tababarayo adeegsiga iyo ku dagaallanka diyaaradaha Drones-ka ah.

    IdilNews ayaa ogaatay in xubnaha la kaxeeyay oo gaaraya ilaa 40 dhallinyaro ah, uu Imaaraatku bixin doono mushaaraadkooda, ayna yeelan doonaan xarun u gaar ah oo ku talla garoonka diyaaradaha Boosaaso, oo hadda ay yaalaan Drones-ka Puntland keensatay, iyadoo xoguhu intaa ku darayaan in cutubkaan la hoos geyn doono Taliska Ciidanka PMPF Dowladda Puntland.

    In Dowladda Puntland ay si rasmi ah u howlgalliso cutubka ciidanka ah ee ku howlgalli doona noocyada kala duwan ee diyaaradaha Drones-ka ah, ayaa ka dhigan u diyaargarow dagaal iyo isku qalabeynta Tiknoolajiyada casriga ah, maadama dunidu gashay xaalad hubanti la,aan ah ayna Puntland ku jirto dagaal argagixiso oo caalami ah.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    October 31, 2026

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”

    October 31, 2026

    MUQDISHO: Bixitaanka Ciidanka Ugandha ee Shabeellaha Hoose oo kala carar ka abuuray Muqdisho

    October 31, 2026
    Latest Posts

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”

    MUQDISHO: Bixitaanka Ciidanka Ugandha ee Shabeellaha Hoose oo kala carar ka abuuray Muqdisho

    Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka qaadaya Wasiiro katirsan Xukuumadda Deni

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Badda Cas – oo PUNTLAND uga qeybgashay Addis Ababa ?

    GAROOWE: Puntland oo xirtay Akoonadii maleeshiyaadka Xassan Shiikh lacagta loosoo marin jiray

    Netanyahu iyo isbaheysigiisa oo lumiyay aqlabiyada doorashada Israa’iil

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

    Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.