Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray xeer Madaxweyne LR 21 ee 09 November 2026, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Baraagaha-qol iyo Ceel-buh
Madaxweynaha Dowladda Putland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Talo-soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Cabdisalaan Qaalib Dalmar Ciise loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baraagaha-qol ee Gobolka Haylaan.
2. Yaasiin Ceegaag Maxamed Yuusuf loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baraagaha-qol ee Gobolka Haylaan.
3. Maxamed Axmed Cali loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceel-buh ee Gobolka Sanaag.
4. Cali Faarax Ismaaciil loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Ceel-buh ee Gobolka Sanaag.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
IDILNEWS
