Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe
    {"source_type":"vicut","data":{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"18.7.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"QHLBMSXC-KI0W-9UZO-7NJF-A4RKSCHEI2S6","pictureId":"QHLBMSXC-KI0W-9UZO-7NJF-A4RKSCHEI2S6","capability_name":"capcut_photo_editor"},"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"18.7.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"QHLBMSXC-KI0W-9UZO-7NJF-A4RKSCHEI2S6","pictureId":"QHLBMSXC-KI0W-9UZO-7NJF-A4RKSCHEI2S6","capability_name":"capcut_photo_editor"}"}
    Somalia

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 30, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafti Sare oo ka socda Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Mareykanka, dublamaasiyiin iyo saraakiil sare oo socday Wasaaradda Dagaalka ee Mareykanka oo arbacadii tagay Kismaayo ayaa kulan aan caadi ahayn la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo xubno haysta kalsoonidiisa kana tirsan maamulka iyo Xildhibaano Federaal oo kasoo jeeda Jubbaland.

    Idilnews ayaa ogaatay in kulanka diirada lagu saaray xaalada Amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya. Xubnaha Mareykanka ah ayaa aad uga hadlay dadaallada Washington galisay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo la-dagaallanka argagaxisada, waxaana ay ku eedeeyeen hoggaamiyayaasha Koonfurta Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn ka adkaanshaha Al-Shabaab iyo in horey loo dhaqaajiyo nidaamka dowladdeed ee dalka.

    Xubnaha ayaa xusay in Mareykanku hadda aaday jiho cusub oo ku wajahayo Arrimaha Soomaaliya, kagana guurayo qorshahoodii hore ee ay ku bixiyeen Balaayiinta dollar, lana joojiyay taageerada dhaqaale ee Ciidanka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee ka socda Midowga Africa, iyo in si gaar ah loola macaamilo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

    “Ma doonayno in joogitaan uu Mareykanku ku yeesho Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo deegaanada Jubbaland, waxaan rabnaa in la helo Ciidan Jubbaland leedahay oo la yaqaan tiradooda, annaguna waan taageeri doonaa, si Al-Shabaab looga xoreeyo goobaha muhiimka ah ee ay joogto ee Jilib ilaa Jamaame muddo kooban gudaheed” ayuu yiri sarkaal katirsan Pentagon-ka Mareykanka oo waftiga qeyb ka ahaa, sida uu inoo sheegay mid kamid ah ka qeybgalayaashii kulanka ee Jubbaland.

    Xubnaha Mareykanka ayaa sidoo kale la wadaagay Madaxweyne Axmed Madoobe in ay doonayaan in ay ka helaan saldhig Militari degmada Afmadow. Saldhiga ayaa qeyb ka noqon doona goobaha lagu diyaariyo howlgallada Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya.

    Mareykanka ayaa hadda dardargeliyay qorshihiisa ka guurista Koonfurta Soomaaliya, waxaana saldhigyo militari uu ka dhistay Puntland iyo Somaliland, isagoo qorsheynaya in uu ka hago weerarrada ka dhanka ah argagaxisada, si loo dhimo khatartooda.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.