Idilnews ayaa ogaatay jiritaanka qorshe ay Dowladda Puntland ku doonayso in ay kaga takhalusto maleeshiyaadka hubeysan ee aan habka beeleysnayn ciidamada ugu dhex heysta deegaanada Puntland.
Maleeshiyaadka oo uu maamulka Xassan Shiikh sheegay in uu u qortay ciidamo Federaal, lagana maamulo Muqdisho, iyadoo loo adeegsanayo fulinta siyaasadooda iyo khal-khal gelinta amniga mandiqada ayaa hada la go’aamiyay in gabi ahaanba lasoo afmeero gudaha bisha August ee socota.
𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 ?
Habeenimadii xalay, Madaxtooyada Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo kamid ah Ciidanka Puntland iyo Ciidan Federaal oo ka howlgalla gudaha Puntland. Waxaana looga digay maamulka Galmudug in uusan marin u noqon duullaanka Xassan Shiikh go’aamiyay in uu kusoo qaado Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Digniinta la siiyay Galmudug iyo iska bari yeelida in maleeshiyaadka ilmo Diyaano ay yihiin ciidan dowladdeed, ayaa ka dhigan go’aaminta howlgal lagu soo afjarayo maleeshiyaadka sita magaca PSF, laguna galayo xeradooda Gaalkacyo, oo ku taal agagaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, haddana loo arko aag halis ku ah amniga Puntland.
Kahor War-saxaafadeed, Dowladda Puntland ayaa gaysey gobolka Mudug ilaa 2000 oo Askari oo ka socday Ciidanka kala duwan ee Puntland, kuwaas oo si weyn loogu dhameystiray saanadooda ciidan. Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka ayaa inoo xaqiijiyay in la siiyay amar Madaxweyne oo la xiriira heegan dagaal, iyadoo 800 boqol oo kamid ah ciidamada, oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran la faray diyaargarowga howlgal saacad walba la fulin karo.
Mudug ayaa horey waxaa saldhigyo ciidan ku lahaa ilaa 3000 kun oo askari oo Daraawiish ah, kuwaas oo ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka gobolka, in dowladda Puntland geyso ciidan cusub oo dheeraad ah ayaa ka dhigan ka hortagga duullaan balaaran oo kusoo wajahan gobolka, kaas oo ay hormuud u yihiin maleeshiyaadka ila Diyaano iyo xubno kale oo gobolka kasoo jeeda.
𝐗𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐥𝐦𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨 ?
Saraakiil katirsan Hay’addaha Amniga Puntland ayaa u sheegay Idilnews, in dowladdu dib u dhigtay qorshe la doonayay in lagula wareego xerada ilma Diyaano ee Boosaaso, maadama xaalad dagaal ay kasoo korortay magaalada Gaalkacyo.
Xerada Boosaaso ayaa la sheegay in aysan ku sugnayn gaadiid badan oo dagaal iyo maleeshiyaad halis gelin karo amniga Boosaaso, maadama hubka dhigis lagu sameeyay maalmo kahor maleeshiyaadka ilma Diyaano oo kasoo baxay xerada Boosaaso, kaddib markii ciidanka Puntland ay kaga hortageen deegaanka Laag. Ciidanka Puntland ayaa kala wareegay 8 gaari oo Tikniko ah, gaari Ambalaas ah, waxaana laga dilay mid kamid ah maleeshiyaadkooda, halka maxaabiis ahaan loo qabtay in kabadan 50 xubnood.
IDILNEWS
