Soomaaliya ayaa qarka u saaran in dib loogu celiyo Dowlad KMG ah, kaddib markii maamulka Xassan Shiikh Maxamuud uu lumiyay sharciyada, lana waayay heshiis doorasho loo dhan yahay.
Idilnews ayaa ogaatay in qorshaha la doonayo in dib loogu celiyo KMG Soomaaliya, ay wadaan dalalka Reer Galbeedka, oo uu folaad yahay Mareykanka, kuwaas oo niyad jabsan hannaanka madaxda Koonfurta Soomaaliya ay dalka u hoggaanshaan.
Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa waraaq furan oo ay u direen Madaxda dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo Kampala ku shiraya 31 bishan, u soo jeediyay in Soomaaliya loo dhiso Dowladda KMG ah, taas oo dalka u sameysa dastuur loo dhan yahay, qabatana doorasho heshiis lagu yahay.
Waraaqda oo la sheegay in Golaha Mustaqbalku u soo saareen xogo ay maqleen oo ku jiheysan Soomaaliya, ayaa hoggaamiyayaasha Afrikaanka ah ugu yeeray in taageeradooda Soomaaliya lagu xiro Dowlad heshiis lagu yahay, maadama Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu diiday heshiis siyaasadeed.
2012 ayaa Soomaaliya laga saaray Dowlad KMG ah kaddib heshiiskii Garoowe 1 & 2, waxaana Puntland ay galisay awooddeeda in dalku horusocod sameeyo, balse daddaalada Puntland ayaa ka fashilmay dhanka hoggaanka Koonfurta Soomaaliya.
IDILNEWS
