Madaxweynaha Dowladda Puntland, H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay aaska qaran ee Alle ha u naxariistee Muuse Maxamed Guure (Diibeeye), oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, door weynna ku lahaa dhismaheedii sanadkii 1998.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka reer Puntland, isaga oo Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo ummaddana ka siiyo samir iyo iimaan. Waxa uu sidoo kale xusay in marxuumku ka tagay dhaxal iyo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusan doono.
IDILNEWS
