Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa safar degdeg ah ugu amba-baxay galabta magaalada Boosaaso, kaddib wafuud kala duwan oo ilaa galabta soo gaartay Boosaaso.
Diyaarad gaar ah ayaa galabta Madaxweyne Deni ka qaaday garoonka diyaaradaha Garoowe, isagoo makhribkii ka dagey gagida diyaaradaha Boosaaso.
Safar ayaa ahaa mid degdeg ah, Madaxweyne Deni oo ay wehlinayaan xubno muhiim ah oo dowladdiisa ah ayaa la kulmi doono Wafti Sare oo ka socda Mareykanka, isuguna jira dublamayaasiyiin iyo saraakiil Amni, kuwaas oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka AFRICOM Gen. Dagvin R.M. Anderson.
Idilnews ayaa ogaatay in kulanka diirada lagu saari doono xaalada Soomaaliya, la-dagaallanka argagaxisada iyo taageerada Mareykanku siiyo Puntland, gaar ahaan Amniga, Washington ayaa doonaysa dadajin dhismaha Ciidan gaar ah oo Puntland yeelayo, kuwaas oo la howlgalla AFRICOM.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa qaabili doona Wafuud kale oo ka socota labo dal oo kale, kuwaas oo Puntland la ah xulufo, kana taageera Arrimaha Amniga. Xubno ka socda dalalkaan ayaa qaarkood soo gaareen Boosaaso, halka kuwa kalena berri soo degi doonaan.
IDILNEWS
