Xildhibaan Ilhan Omar oo kamid ah Congress-ka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada hore ee xisbiga dimuqraadiga ah ee degmada 5aad ee Minnesota.
Ilhan ayaa heshay in kabadan 80% codadka, taasoo keentay guul muhiim ah ka hor doorashooyinka dhexe ee 2026.
Mrs Omar ayaa Aqalka Congresska Mareykanka kusoo biirtay 2019, waxay taariikh ka dhigtay mid kamid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Koongareeska iyo haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali Mareykan ah oo ka ltirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Ilhan Omar ayaa cod hormuuda u ah xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo si weyn loo yaqaan mowqifkeeda cad ee ku saabsan socdaalka, daryeelka caafimaadka, iyo siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Israa’iil.
Guusheeda ayaa farxad galinaysa Malaayiin shacabka Mareykanka ah, iyo Boqollaal Milyan oo ah bulshada caalamka, kuwaas oo taageero u ah mowqifkeeda Ilhan Omar.
IDILNEWS
