Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul
    Puntland

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 6, 2026Updated:August 6, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan u dhexeeyay Xubno katirsan Dowladda Puntland, Nabaddoono, Waxgaradka iyo horjoogayaasha hoggaaminayay maleeshiyaadka Beesha Leelkase ee ku jiray Xero Istaanbuul oo ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug- ayaa soo idlaaday, kaddib saacado wada-hadal ah.

    Inta kulanku socday ayaa diirada lagu saaray in maleeshiyaadka kasoo jeeda Beesha Leelkase, ay ku biiraan Ciidanka Dowladda Puntland, kuwa diidana ay kala aadaan guryahooda, inta aysan dhammaan 48 saac ee uu Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni u qabtay maleeshiyaadka sheegta in ay yihiin Ciidamo Federaal ee jooga deegaanada Puntland.

    Ugaaska Guud ee Beesha Tanade, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ayaa faray horjoogayaasha maleeshiyaadka Beesha inay ku biiraan Ciidanka Dowladda Puntland ee diiwaangelintoodu socoto, ama ay hubka xareystaan, kala aadaana guryahooda. Waxaana uu sheegay in Beesha Tanade ay kamid tahay Beelaha Puntland, ayna u hoggaansan yihiin Dowladda Puntland.

    Kulanka ayaa kusoo idlaaday is afgarad, iyo in maleeshiyaadka doonaya Ciidanka Dowladda Puntland ay is diiwaangeliyaan, kuwa diidana hubka dhigaan. Dowladda Puntland ayaa kordhisay dhankeeda waqtiga diiwaangelinta maleeshiyaadka oo 3 maalmood ee u dambeysay ka socotay gobolka Mudug.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.