Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland “Xassan Shiikh colaad buu ka hurinayo Gobolka Mudug”
    Puntland

    Puntland “Xassan Shiikh colaad buu ka hurinayo Gobolka Mudug”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu boggaadiyay maamulka iyo shacabka Galmudug ee maanta ka hortagay hub iyo saanad kale oo Ciidan oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh maanta ka dajiyay garoonka diyaaradaha koonfurta magaalada Gaalkacyo.

    Hubka oo loo waday dhinaca Puntland ayaa ay qabsadeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

    WAR-SAXAAFADEED

    GAROOWE-PUNTLAND DATE: 04-AUGUST-2026

    Dowladda Puntland waxay cambaaraynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wakhtigeedu dhammaaday, oo ciidan iyo hub ku soo daabulaysa deegaannada Dowladda Puntland. Maantay, August, ayey DFS hub kale kasoo dejisay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Gamudug, si ay ugu soo gudbiso dhinaca Puntland balse ay ka hortageen hay’adaha amniga iyo Shacabka Dowladda Galmudug, taas oo keentay iska hor imaad sababay khasaare.

    Dowladda Puntland waxay ku bogaadinaysaa Dowladda Galmudug, Ciidankeeda iyo Shacabkeedaba in ay ka hortaageen amni darrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo Gobolka Mudug, iyo in la soo dhexmariyo hub iyo Ciidan lagu waxyeelleynayo nabadgelyada deegaannada Puntland.

    Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhexeeya daris wanaag, wada noolaasho bulsho iyo wada shaqeyn maamul oo soo jireen ah, illaalinta amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaanada labada Maamul waa masuuliyad saaran labada dhinacba.

    Dowladda Puntland waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la socodsiinaysaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud, uu colaad ka hurinayo Gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo oo ay si nabad ah kuwa degan yihiin dadka iyo dowladaha walaalaha ah ee Puntland iyo Galmudug, Sidaasi darteed wixii amni daro ka dhasha falkaasi waxaa masuuliyadeeda qaadaya Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday.

    Ugu dambayn, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa shacabka Puntland inay ka digtoonaadaan faragelinta amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaannada Puntland, ayna meel uga soo wada jeestaan waxkasta o0 dhaawici kara Dowladnimada, ammniga iyo xasilloonida Puntland.

    <>

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.