Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa war kasoo saaray howlgalka lagu galay xerada ilma Diyaano ee Gaalkacyo, kaas oo lasoo afmeeray.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo Booliska Puntland.
WAR-SAXAAFADEED
Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Amniga Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.
Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo sarreynta sharciga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubaysan ee isku daya inay wax u dhimaan nabadda iyo amniga. Hawlgalku weli wuu socdaa, waxaana loo fulinayaa si waafaqsan sharciga iyo habraacyada ciidamada amniga.
Ciidanka Amniga Puntland waxay caddeynayaan in tallaabooyin adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga iyo kala dambeynta. Dawladda Puntland waxaa ka go’an in aan marnaba loo dulqaadan doonin koox ama shaqsi kasta oo u adeegaya cadowga Puntland ama halis gelinaya amniga iyo xasilloonida dalka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka iyo natiijooyinkiisa waxaa bulshada lala wadaagi doonaa marka uu soo gabagaboobo.
– DHAMMAAD –
IDILNEWS
