Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa dalbaday in ay isku dhiibaan Ciidanka Dowladda Puntland, lagana joojiyo hubka culus ee ku socda xerada ay ku jiraan oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayay xiriir lasoo sameeyeen, waxayna codsadeen in ay isku dhiibaan Ciidanka Dowladda, sida uu u xaqiijiyay Idilnews mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka xaqiijinta Amniga gobolka Mudug.
Maxamuud Diyaano ayaa loo sheegay in uu soo gudbiyo muuqaalka dalabka is dhiibistooda, ayna u soo baxaan banaanka xerada iyagoo gacmaha taagaya.
Dalabka is dhiibistooda ayaa yimid kaddib markii khilaaf soo kala dhexgalay Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadka la jooga, kuwaas oo intooda badan ay dalbadeen in la is dhiibo, oo aan la sugin inta xerada lagu laynayo.
Ciidanka Puntland ayaa dhimay Tirada madaafiicda lala dhacayo Xerada.
Faahfaahin kala soco Idilnews
IDILNEWS
