Dadaalo ay hormuud u ahaayeen Waxgaradka gobolka Mudug, lana doonayay in si nabad ay isku dhiibaan maleeshiyaadka hubaysan ee ay haystaan Ilma Diyaano ayaa guuldareystay, kaddib markii ay ka dhago adeegeen soo jeedin ka timid Waxgaradka.
Waxgaradka ayaa maleeshiyaadka, oo uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano ee degan Xero Ciidan oo ku taalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo la yeeshay kulamo, waxaana ay u soo jeediyeen inay isku dhiibaan dowladda, ayna dhankooda dhameyn doonaan khilaafka jira, laguna dari doono Ciidanka Dowladda Puntland.
Maxamuud Diyaano oo xiriir toos ah la sameynayay Walaalkii Asad Diyaano oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh ugu magacaaban Taliyaha Booliska, ayaa qabsaday maalin jawaab, waxaana uu kusoo celiyay in aysan aqbaleyn is dhiibin, kana mid yihiin Ciidanka maamulka Xassan Shiikh.
Waxgaradka gobolka Mudug ayaa intaa kaddib u soo jeediyay in uu baneeyo xerada maadama ay tahay Xero Puntland, una guuro Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ay u damaanad qaadeen in aan la weerari doonin inta ay baneynayaan xerada, taas oo ay iyana ka Biyo diideen ilma Diyaano. Waxgaradka ayaa kusoo celiyay dowladda in aysan wax xal ah ka hayn ilma Diyaano iyo maleeshiyaadkooda ayna u soo celiyeen go’aanka.
Idilnews ayaa ogaatay in la go’aamiyay tallaabo Ciidan oo laga qaado maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano, iyadoo saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka xoojinta Amniga gobolka Mudug la siiyay amar dagaal iyo in ay gacanta kusoo dhigan Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadka taabacsan, ciddii dagaalantana la laayo.
IDILNEWS
