Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»GAROOWE: Heshiis laga gaaray maleeshiyaadka Jimcaale ee Xerada Ligle
    Puntland

    GAROOWE: Heshiis laga gaaray maleeshiyaadka Jimcaale ee Xerada Ligle

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 7, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyaadka uu haysto horjooge Jimcaale Jaamac Takar ee degan Xerada Ligle ee duleedka Garoowe ayaa go’aan laga gaaray, kaddib dadaalo ay wadeen todobaadyo Guddi kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud.

    Qodobo dhowr ah ayaa la gaaray, kuwaas oo taabanaya jiritaanka maleeshiyaadka oo asal ahaan kasoo jeeda Ciidanka Kumaandooska Madaxtooyada Puntland ee DANAB, muddo sanad ahna sheegayay inay yihiin Ciidan Federal oo ka Amar qaata Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud.

    Qodobadda ayaa waxaa ugu muhiimsan;

    1. In maleeshiyaadka laga galiyo diiwaanka Ciidanka Dowladda Puntland, laguna xareeyo dugsiyada tababarada ciidamada Puntland ee.

    2. In Dowladda Puntland la wareegto gaadiid, hubka iyo Xerada Ligle.

    3. In isbedel lagu sameeyo hoggaanka Ciidanka, loona magacaabo sarkaal dowladdeed, lana siiyo xuquuqdooda, si lamid ah Ciidamada kale ee Dowladda Puntland.

    Jimcaale ayaa dalbanaya in la amba-bixiyo lana siiyo dhaqaale uu isaga bixiyo deymo uu sheegay in maleeshiyaadka dartood uu u galay, maadama uu ku doodday in aysan jirin lacag adeeg oo kasoo gaaraysay maamulka Xassan Shiikh, marka laga soo tago mushaarka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    August 6, 2026

    Puntland oo dambiyo kusoo oogaysa siyaasiyiinta iyo saraakiisha abaabulay falalka Amni darro

    August 6, 2026

    Puntland forces seize military compound after clashes with federal troops

    August 6, 2026
    Latest Posts

    GAROOWE: Heshiis laga gaaray maleeshiyaadka Jimcaale ee Xerada Ligle

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    Puntland oo dambiyo kusoo oogaysa siyaasiyiinta iyo saraakiisha abaabulay falalka Amni darro

    Puntland Forces Seized FGS infiltrated Camp in Galcaio, Puntland – Somalia

    Puntland forces seize military compound after clashes with federal troops

    Booliska Puntland oo xaqiijiyay la wareegista Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso

    BOOSAASO: Cabdulaahi Diyaano iyo maleeshiyaadka la jooga oo is dhiibis dalbaday

    Cali Xoosh iyo Xildhibaanad Ifraax Nooleeye oo lagu kala jiiday garoonka Muqdisho

    Akhriso: Puntland oo qabatay Hub Dowladda Chine ugu deeqday DFS

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray howlgalka lagula wareegay Xerada ilma Diyaano

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.