Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni “Dadka dambiyada kasoo gala Itoobiya gabaad ha u noqonina”
    Puntland

    Madaxweyne Deni “Dadka dambiyada kasoo gala Itoobiya gabaad ha u noqonina”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 13, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu baaqay bulshada kunool deegaanada dhaca xuduudka Puntland la wadaagto Itoobiya ilaalinta nabadgelyada labada dhinac.

    Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulan uu xalay la yeeshay bulshada degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, ayaa xusay in Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay leeyihiin wada shaqeyn dhow, loogana baahan yahay bulshada kunool deegaanada xuduudka dhaca inay qeyb ka noqdaan adkeynta wada shaqeynta labada Dowladdood iyo in aysan gabaad u noqon dambiilayaasha kasoo baxsada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    “Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya gaar ahaan maamulka Soomaalida ee ina soo xiga, waxaan muddadii u dambeysay ka shaqeynaynay siddii wada shaqeynteenu u xoogeysan lahayd isu socodka gaadiidka dadku u hagaagi lahaayeen, ganacsigeenu isku dhaafi lahaa danaha amni iyo kuwa hormarineedna aan uga wada shaqeyn lahayn, arrintaas waxaad ka tihiin safiiro khaas ah, maxaa yeelay deegaankii baad u dhow dihiin, waxaa la idinka rabaa dambiilayaasha halkaa ka yimaada in aysan idinku soo dhuuman, waxaa la rabaa dadka halkaa waxyeelaynayay in halkaan gabaad ka dhigan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Madaxweynaha ayaa intaa ku daray “Waxaa la rabaa dadka xun ee deegaanka xagaa jira ee halkaan degan iyagu Reer ahaana in aysan labo calleyn, oo intuu halkaa idab darro ka sameeyo halkaan ku gaban.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    SAAXO: Puntland oo ku dhiiragelisay Ciidanka Qeybta 60aad ilaalinta Amniga xuduudaha

    August 13, 2026

    Ilhan Omar oo guul weyn ka gaartay doorashada xisbiga dimuqraadiga

    August 12, 2026

    MUDUG: Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Goldogob

    August 12, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni “Dadka dambiyada kasoo gala Itoobiya gabaad ha u noqonina”

    SAAXO: Puntland oo ku dhiiragelisay Ciidanka Qeybta 60aad ilaalinta Amniga xuduudaha

    Ilhan Omar oo guul weyn ka gaartay doorashada xisbiga dimuqraadiga

    MUDUG: Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Goldogob

    Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray wajiga 1aad ee Waddada Gaalkacyo – Bacaadweyn

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay nin Dil geystay

    Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba iyo bulshada cabsanaysa

    GAALKACYO: Maxaabiista maleeshiyaadka ilma Diyaano oo xabsiga Garoowe la keenay

    Ujeedada: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagay Gaalkacyo

    GAROOWE: Heshiis laga gaaray maleeshiyaadka Jimcaale ee Xerada Ligle

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.