Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay nin Dil geystay
    Puntland

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay nin Dil geystay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 10, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeeysane Cabdiqani Cumar oo ku eedeeysan dilka Farxaan Yuusuf Warsame, oo 4 bishan August ka dhacay Tuulada Af-Gub oo hoostagta degmada Bursaalax.

    Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug.

    Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug, oo kaashanaya Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane C/Qani Cumar Cali, oo ku eedeysan dilka Marxuum Farxaan Yuusuf Warsame, kaas oo dhacay 4-tii Agoosto 2026.

    Eedeysanaha ayaa lagu qabtay degmada Laascaano, waxaana haatan lagu hayaa gacanta Booliska Gobolka Mudug, iyadoo la filayo in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo kiiska.

    Si khaasa taliska qaybta police ka gobolka mudug wuxuu u mahad celinayaa eheladda eedeysanaha oo markasta fure u ahaa sidii loo soo qaban lahaa wiilkooda gaystay dilka runtiina xog kasta la wadaagayey laamaha police ka gobolka mudug illaa iyo soo qabashadiisa

    Dilka Marxuum Farxaan Yuusuf Warsame ayaa ka dhacay tuulada Af-Gub, oo ka tirsan degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in dilka loo adeegsaday toorey.

    Booliska Gobolka Mudug ayaa wada baaritaanno ku saabsan dhacdadan, waxaana eedeysanaha la horgeyn doonaa sharciga marka baaritaanku soo dhammaado.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba iyo bulshada cabsanaysa

    August 10, 2026

    GAALKACYO: Maxaabiista maleeshiyaadka ilma Diyaano oo xabsiga Garoowe la keenay

    August 9, 2026

    Ujeedada: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagay Gaalkacyo

    August 8, 2026
    Latest Posts

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay nin Dil geystay

    Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba iyo bulshada cabsanaysa

    GAALKACYO: Maxaabiista maleeshiyaadka ilma Diyaano oo xabsiga Garoowe la keenay

    Ujeedada: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagay Gaalkacyo

    GAROOWE: Heshiis laga gaaray maleeshiyaadka Jimcaale ee Xerada Ligle

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    Puntland oo dambiyo kusoo oogaysa siyaasiyiinta iyo saraakiisha abaabulay falalka Amni darro

    Puntland Forces Seized FGS infiltrated Camp in Galcaio, Puntland – Somalia

    Puntland forces seize military compound after clashes with federal troops

    Booliska Puntland oo xaqiijiyay la wareegista Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.