Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray wajiga 1aad ee Waddada Gaalkacyo – Bacaadweyn
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray wajiga 1aad ee Waddada Gaalkacyo – Bacaadweyn

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 11, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee wadada laamiga dheer ee isku xirata Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo si casri ah loo dhisay.

    Wadada laamiga ah ee Bacaadweyn-Gaalkacyo qeybta xariga laga jaray ee la dhameystiray ayaa ah 20-KM oo isu mara deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo laanta-dusmada, Dowladda ayaana mashruucan ku hirgelisay cashuurtii dadka oo dib-loogu celiyay dalka si loo horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

    13Km, oo ka mid ah 20-ka Km waxaa dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction Co, halka 7km, ee kale ay dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Albaashi.

    Madaxweynaha, oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Hay’adda Waddooyinka Puntland, injineerrada iyo hawl-wadeennada shirkadaha dhisay Wadada, wuxuuna kula dardaarmay in lasii dardargeliyo shaqada, lana dhamaystiro wejiga Labaad ee harsan oo isna dhan 20Km.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.