Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo kormeeray Maxjarka dhoofinta iyo naaxinta Xoolaha ee Somali Livestock Quarantine and Inspection Center, oo laga dhisayo deegaanka Buubi ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa u kuurgalay qaybaha kala duwan ee maxjarka iyo halka ay marayso shaqada dhismuhu. iyada oo uu qayb ka ahaa booqashada Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle,
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgelinaysa mashruuca, isagoo xusay in maxjarku xoojin doono adeegyada caafimaadka iyo daryeelka xoolaha, isla markaana abuuri doono fursado shaqo iyo horumar dhaqaale oo bulshada deegaanka iyo Puntland ah.
IDILNEWS
