Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan degmada Saaxo ee gobolka Mudug.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka daraawiishta, Gobolka Mudug, G/Sare Sharmarke Shiikh Doon Aadan Bare.
Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ka howlgalla aag muhiim ah, waxaana dhowaan Dowladda Puntland ku dhawaaqday in dib u habeyn lagu sameyn doono, dibna Tababar (Feero) loogu celin Ciidanka ku sugan Taliskan.
IDILNEWS
