Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay wado baaris ay ku sameynayso awoodo ka baxsan Puntland oo dabada ka riixaya kooxaha Burcad-badeeda ah ee ka Adduunka ka wada xeebaha Puntland.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEEDKA KASOO BAXAY WASAARADDA AMNIGA PUNTLAND.
WAR SAXAAFADEED
21 August 2026
Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ficillada burcad-badeednimada ah ee beryahaan dambe ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland, waxayna baaritaan gaar ah ku haysaa xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda iyada oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Burcad-badeedka, iyo in ay gacan ka siiso dowladaha ku hawlan la dagaalankooda, waxayna qaaday tallaabooyin lagu hawlgelinayo laamaha amniga Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta degmooyinka ku teedsan xeebaha Puntland si wax looga qabto hawlgalada burcadda.
Dowladda Puntland waxay ka soo horjeedaa duqeymaha ay maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ku beegsanayaan dadka shacabka ah iyo hantidooda ee deeganada u dhow xeebaha lagu haysto maraakiibta u afduuban Burcad-badeedka. Dowladda Puntland waxay u aragtaa in hawlgalada noocaas oo kale ah ay wax u dhimayaan iskaashiga hay’adaha amniga Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamiga ah ee gacanta ka geysanaya la dagaalanka Burcadda, sidoo kalena ay wax yeelo ka soo gaarayso dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn ficilada Burcadda.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Dowladaha leh Maraakiibta Caalamiga ah ee duqeymaha ka geystay deegaanka Garmaal 18kii iyo 20kii August 2026, laguna beegsaday dad kalluumeysto ah iyo hantidooda in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan ujeedka hawlgaladaas.
Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geysato la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sidii loo soo celin lahaa xorriyadda maraakiibta ay hadda gacanta ku hayaan.
-DHAMMAAD-
IDILNEWS