Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankooda caadiga ahaa ayaa soo saaray go’aano waa weyn oo taabanaya Amniga Puntland, iyadoo Gollahu go’aamiyay in Hay’addaha cadaaladda la horgeeyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha Ciidan ee abaabulay falalka Amni darro ee ka dhacay gudaha Puntland.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland.
WAR SAXAAFADEED:
6 August 2026
Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Agoosto 2026, uuna shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland.
Goluhu wuxuu bogaadiyey hawlgalada amni ee ay Ciidamda Difaaca Dowladda Puntland maalmahaan ka fuliyeen qaybo kamid magalooyinka Puntland, kuwaas oo lagu fashiliyey duullaan qorshaysan oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku doonayey in lagu khalkhal geliyo amniga iyo dowladnimada Puntland.
Goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Dowladda Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha amniga rasmiga ah ee Dowladda Puntland. Sidoo kale, in ciidamadu ka hortagaan, kana hawlgalaan dambiyada abaabulann ee ka dhaca biyaha badaha sida Burcad Badeedda iyo kallumaysatada sharci darrada ah iyo in cid kasta oo ku soo xad gudubta biyaha badaha Puntland talaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado.
Goluhu wuxuu go’aamiyey in hay’adaha Caddaaladda ee Dowladda Puntland loo gudbiyo magacyada xubnaha siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland si caddaaladda loo horkeeno.
Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Dowladda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda.
Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha Baraha Bulshada ee caadaystay baahinta warar aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumaynayo nidaamka dowladnimada Puntland.
Goluhu wuxuu farayaa ciidamada kala duwan inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dhawraysa xuquuq insaanka.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Puntland inay door muuqata ka qaataan ilaalinta amniga, xasilloonid iyo wadajirka bulshada, si loo adkeeyo nabadda iyo dowladnimada Puntland.
====DHAMMAAD====
IDILNEWS
