Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeeysane Asad Faarax Silig oo Dil ka geystay maanta magaalada Gaalkacyo, dilayna marxuum Cabdulqaadir Maxamed Cali.
Eedeeysanaha ayaa dilka kaddib ka baxsaday goobta uu dilku ka dhacay oo ku yaal xaafada Israac ee Gaalkacyo, waxaana Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo howlgallo iyo baariraan sameeyay u suuragashay inay soo qabtaan.
Taliska Booliska gobolka Mudug ayaa u mahadceliyay G/Sare Najiib Faarax Silig, oo ah walaalka eedeeysanaha, oo hoggaaminayay howlgalka soo qabashada eedeeysane Asad, kuna soo wareejiyay laamaha Amniga gobolka.
Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in eedeeysane Asad Faarax Silig si degdeg ah loo horkeeni doono laamaha Garsoorka, si loo waafajiyo sharciga islaamka.
Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bile Fardafuul ayaa ugu baaqay shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Mudug inay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka, kuna wargeliyaan fal dambiyeedyada dhaca.
IDILNEWS
