Dowladda Puntland oo ka digtay qorshaha safarka Hassan Sheikh Mohamud ku imaanayo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
WAR-SAXAAFADEED
GAALKACYO-PUNTLAND TAR: 13-AUGUST-2026
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu weli ku hawlanyahay abaabulka colaad ka dhan ah Puntland.
Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa abaabulada qorshaysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, taas oo uu uga golleeyahay in uu fidno iyo colaad ka abuuro Magaalada Gaalkacyo oo si nabad iyo xasilooni leh ay ugu wada nool yihiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Dowladda Puntland waxay Maamulka iyo Shacabka Dowladda Galmudug, gaar ahaan, Koonfurta Gaalkacyo uga mahad celinaysaa kaalinta wayn ee ay ka qaateen illaalinta nabadda, iyo ka hortagga isku dayadii qorshaysnaa ee Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayey in uu qalalaase amni ka abuuro Magaalada Gaalkacyo si uu uga dhigto foodsaar siyaasadeed, waxayna ugu baaqaysaa Maamulka iyo Shacabka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo in ay ka hortagaan iskudayada cusub ee Xasan Sheekh wado.
Dowladda Puntland waxay heegan buuxa galisay Ciidamada Difaaca Puntland, waxayna dadweynaha Reer Puntland ku wargelinaysaa in ay u diyaar garoobaan in Dowladdu qaadayso tillaabooyin dheeri ah oo lagu adkeynayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaanna amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay la socodsiinaysaa Ummadda Soomaaliyeed, Dalalka dariska ah iyo guud ahaan Beesha Caalamka in Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata fidmada iyo colaadda uu ka aabaabulayo Puntland.
<
IDILNEWS
