Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»GAALKACYO: Puntland oo ka hortagaysa abaabulka colaadeed ee Xassan Shiikh ee Mudug
    {"source_type":"vicut","data":{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"19.0.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"CYVRJE8E-60KM-YUBN-XC9N-L9AKHUXZ40CZ","pictureId":"CYVRJE8E-60KM-YUBN-XC9N-L9AKHUXZ40CZ","capability_name":"capcut_photo_editor"},"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"19.0.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"CYVRJE8E-60KM-YUBN-XC9N-L9AKHUXZ40CZ","pictureId":"CYVRJE8E-60KM-YUBN-XC9N-L9AKHUXZ40CZ","capability_name":"capcut_photo_editor"}"}
    Puntland

    GAALKACYO: Puntland oo ka hortagaysa abaabulka colaadeed ee Xassan Shiikh ee Mudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 16, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Laamaha Amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Ammaanka, loogana hortagayo falal Amni-darro oo ka dhaca magaalada iyo nawaaxigeeda.

    Howlgallada ayaa yimid kaddib markii la helay xog la xiriirta in Madaxweynaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho, Hassan Sheikh Mohamud uu imaanayo Koonfurta Gaalkacyo axada maanta, si uu abaabulo falal lidi ku Amniga iyo xasiloonida gobolka Mudug, una abuuro isku dhacyo colaadeed oo ka dhaca Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga.

    Sida aan ogaanay Hay’addaha Amniga Puntland ayaa helay xog rasmi ah, oo muujinaysa qorshe halis ah oo ku wajahan Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee dhaca gobolka Mudug, kuwaas oo isugu jira abuurista colaado ka dhex dhaca bulshada kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyo in xubno kasoo jeeda Puntland, lasoo galiyo Gaalkacyo ayna abaabulaan falal Amni-darro, iyadoo la marayo maleeshiyaad la siiyo dhaqaale kooban.

    Dhammaan isku dayada ayaa Dowladda Puntland ka diyaar-garowday, waxaana heegan Sare la galiyay Talisyada ciidamada Booliska iyo Daraawiishta, si degdeg looga jawaabo dhacdo kasta oo Amniga lidi ku ah kana tilmaada dhanka Xassan Shiikh iyo kooxdiisa.

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa habeenimadii xalay la kulmay saraakiisha Amniga ee gobolka Mudug ka howlgalla, waxaana is xogwareysi dheer kaddib, uu Madaxweynuhu Amar ku siiyay in ay ka hortagaan halisyada amni ee kasoo foogan Koonfurta, lana kordhiyo howlgallada, iyadoo wada shaqeyn dhow lala yeelanayo xubnaha abaabulan ee kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo, ee isku xilqaamay ka hortaga hurinta colaadeed ee Xassan Shiikh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MAREYKANKA: Trump oo ku guuleystay joojinta sharci ilaalinayay Soomaalida

    August 16, 2026

    Akhriso: Puntland oo mamnuucday in ay Hotel degan Lamaane aan wadan waraaqda Nikaaxa

    August 16, 2026

    GAALKACYO: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Nin Dil geystay maanta

    August 15, 2026
    Latest Posts

    MAREYKANKA: Trump oo ku guuleystay joojinta sharci ilaalinayay Soomaalida

    Akhriso: Puntland oo mamnuucday in ay Hotel degan Lamaane aan wadan waraaqda Nikaaxa

    GAALKACYO: Puntland oo ka hortagaysa abaabulka colaadeed ee Xassan Shiikh ee Mudug

    GAALKACYO: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Nin Dil geystay maanta

    Heshiiska maleeshiyaadka Ligle – Jimcaale mala amba-bixin doonaa ?

    Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray maleeshiyaadka ku sugnaa Kuur-ilaalo

    WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo ka digtay safarka Xassan Shiikh ee koonfurta Gaalkacyo

    Madaxweyne Deni “Dadka dambiyada kasoo gala Itoobiya gabaad ha u noqonina”

    SAAXO: Puntland oo ku dhiiragelisay Ciidanka Qeybta 60aad ilaalinta Amniga xuduudaha

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.