Dowladda Puntland ayaa gabagabeynaysa maalmaha soo socda tababar Feero-celin ah oo loo sameeyay Kumanaan kamid ah ciidamada Difaaca Puntland, gaar ahaan Daraawiishta. Dugsiga tababarka Gen. Giriin ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa kamid ah dugsiyada ay kasoo bixi doonaan ciidamadu, waxaana Feero-celin ku maray dugsigan ilaa 2000 kun oo askari, kuwaas oo badidood kasoo dagaallamay buuraleyda Calmiskaad. Sidoo kale, Dugsiyada kale ee ciidamada Puntland oo uu kamid yahay dusgsiga Xorgoble ayaa ay kasoo bixi doonaan ilaa 2000 kun oo kale oo askari, kuwaas oo loo sameeyay Feero-celin. Idilnews ayaa ogaatay in ciidamadan laga xuli doono ilaa 1500 oo askari,…
Author: Jibril Qoobey
Sida ay ogaatay Idilnews – Jimcaale Jaamac Takar oo ah hoggaamiyaha maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan duleedka Garoowe ayaa maalinimadii shalay laga soo dajiyay magaalada Laascaanood. Jimcaale maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, uuna Xassan Shiikh sheegay in uu u magacaabay Taliyaha Qeybta 54aad – ayaa la xaqiijiyay in lasoo siiyay amar ah in uu dagaal ka rido caasimadda Puntland ee Garoowe, si loo abuuro barakac iyo burbur soo Gaara magaalada. Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in Jimcaale soo galo Garoowe iyo nawaaxigeeda, Hay’addaha Amniga Puntland ayaa ku jira feejignaan sare oo lagu baadi goobayo. Sidoo kale, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kulan qaatay saacado badan la yeeshay Haldoorka gobolka Nugaal (Ciise Maxamuud), kuwaas oo isugu jiray odayaal dhaqan, siyaasiyiin, Ganacsato iyo aqoonyahano. Idilnews ayaa ogaatay in kulanka oo ku bilowday warbixin uu Madaxweyne Deni ka siiyay haldoorka Beesha Ciise Maxamuud ‘xaalada Guud ee deegaanka ee dhinacyada Amniga iyo siyaasadda’ – ayaa dib laga guda galay ujeedada uu ugu yeeray Madaxweynuhu. Siciid Deni ayaa la wadaagay Beesha Ciise Maxamuud labo qodob oo kali ah: 1. In aysan Dowladda Puntland duulaan ku ahayn maleeshiyaadka Beesha Ciise Maxamuud ee ku xareysan xerada Ligle, balse aysan aqbali doonin…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehlinayaan labada Guddoomiye kuxigeen. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐๐๐ก๐, ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ee Dowlada Puntland, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta ๐ฐ๐๐ฑ-๐ค๐-๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐, ๐๐๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐, taasoo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, geedi socodka wax ka bedelka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa suโaalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka ee Golaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa saaka kulan la yeelan doona Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa kala hadli doono haldoorka Nugaal ilaalinta Amniga gobolka, waxaana si gaar ah diirada loo saari doonaa maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Jimcaale Jaamac Takar ee saldhig ku leh duleedka Garoowe. Dhammaadka kulanka, Madaxweyne Deni iyo haldoorka Nugaal ayaa la filayaa in lagu gaaro go’aan saameyn doona xasiloonida mandiqada, iyadoo la kala qaadan doono waajibaad. IDILNEWS
Liban Ahmed Hassan, widely known by his nickname “Liibaan Shuluq,” is a kingpin businessman, faction leader and former militia commander currently running for Galmudug presidential candidate, a contested state in central Somalia.Born within the Sa’ad sub-clan of the larger Habar Gidir clan family, Hassan hails from the contested south Mudug region, particularly the southern Galkayo area, a strategic hub straddling the border between Galmudug and the semi-autonomous Puntland state.His nickname “Shuluq,” was given by resident neighbours who say describes his physical stature. Militia Roots and Early Conflict Involvement Shuluq first gained fame as a militia faction chief in southern Galkayo,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadnaha ee caasimada Garoowe oo si casri ah loo dhisay iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe oo iyana loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare oo ka mid ahaa sariikiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad . Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta Waddooyinka casriga ah ee Caasimadda oo qeyb ka aheyd Qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka Caasimadda Hon Abdulkadir Geedi, shaqada wanaagsan ee ay qabteen. Dowladda oo shaqooyin ka wada Waddooyinka isku xira Gobollada ayaa sidoo kalena…
Sida ay ogaatay Idilnews – Cabdiraxmaan Maxamed Xassan (Gablax) oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maalmo kahor diidmo adag kala kulmay laamaha ammaanka Puntland, kaddib markii uu isku dayay in ilaalo wadata gaadiid qoryo saaran yihiin uu kaga amba-baxo Garoowe. Gablax oo kamid ah shaqsiyaadka reer Puntland ee qeybta ka ah qorshaha maamulka Xassan Shiikh ee khalkhalgelinta ammaanka Puntland, ayaa todobaad kahor soo gaaray Garoowe, waxaana uu maalmo rabay in uu u sii gudbo Gaalkacyo, isagoo ay galbinayaan labo gaari oo Tikniko ah, oo ay saaran yihiin qoryaha waa weyn ee dhashiikaha. Hay’addaha ammaanka oo ka war helay safarkiisa…
Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku wareejisay Hay’addaha Amniga Mareykanka Cabdikariim Iidle oo ku eedeeysan lunsashada Lacag Malaayiin dollar ah, taas oo taageerada dhaqaale ee Dowladda Mareykanku siinaysay dadkeeda iyo soo galootiga, xilligii lagu guda jiray COVID-19. Cabdikariim Iidle, oo 42 sano jir ah ayaa qeyb ka ahaa lunsashada 250 Milyan oo dollar, waxaana uu afar sano ahaa baxsad, isagoo qabashadiisa loo adeegsaday Hay’adda Sirdoonka Muqdisho ee NISA. Sida ay sheegeen Hay’addaha Cadaallada Mareykanka – Iidle ayaa lagu soo oogay September 2022, 32 dacwadood oo la xiriira lunsashada dhaqaale ka yimid Federaalka Mareykanka, looguna talagalay dadka…
Mogadishu, Somalia โ The European Union has imposed visa restrictions on Somali citizens, escalating a dispute with Mogadishu over the return of Somalis living in Europe illegally. The blocโs member states approved the measures on Thursday, acting on a report that Somalia was not doing enough to take back nationals who had been refused the right to stay. Somaliaโs President Hassan Sheikh Mohamud pushed back, saying his government would readmit its citizens, but said that many returnees were not Somali nationals. โWe havenโt rejected our people; they own this country. And we cannot reject them,โ the president said at an…
Taariikhdu waxay na bartay in dagaalka casriga ah uusan ahayn oo keliya mid qori iyo rasaas ah, balse uu yahay dagaal dhaqaale iyo mid maaliyadeed. Sida la wada ogsoon yahay, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Puntland wuxuu maanta wajahayaa isku-dayo lagu daciifinyo, kuwaas oo loo isticmaalayo dhalinyaro Accounts Looga furay Salam Banki si lacago xamar Laga soodiray Loogu somariyo oo Reer puntalnd ah Haddaba, si weeraradan maaliyadeed looga hortago, ma jirto baahi loo qabo in la xiro bangiyada ama la curyaamiyo ganacsiga xorta ah. Balse Furaha iyo dalka kaliya ee arrintaan wax looga qaban karo, si sharci ahna u xakameyn…
Booliska gobolka Nugaal ayaa mamnuucay in gaadiid aan lahayn Taariko sharciga ah ee Puntland aysan soo gali karin, kana soo gudbi Karin kantaroollada caasimadda Puntland ee Garoowe. War kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in nooc walba oo gaadiid ah, yaryar iyo waa weynba loo ogolaan doonin Taariko gacan lagu sameeyay iyo qaab kale oo farsamaba, taas oo baal marsan Taarikada ay bixiso Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland. Hoos ka akhriso War kasoo baxay Booliska gobolka Nugaal. Taliska Qaybta Nugaal iyo Ciidanka Taraafikada Nugaal waxay farayaan dhammaan darawalada gaadiidka wada, kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba, in…
Dowladda Kenya ayaa dalkeeda kasoo masaafurisay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka DFS, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kaas oo sifo sharci darro ah ugu safrayay Basaboorka dalka Kenya. Sida aan ogaanay Laanta Socdaalka ee Dowladda Kenya ayaa Jibriil ka qabatay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Airport ee Nairobi, iyagoo sheegay in uu sifo sharci darro ah ku qaatay Basaboorka Kenya. Jibriil ayaa lagu celiyay Muqdisho, kaddib markii uu diiday in Document-ka sharci darrada ah ee uu watay ku wareejiyo laamaha Ammaanka Kenya. IDILNEWS
Puntland has accused Somaliaโs Federal Government (FGS) of orchestrating a plan to smuggle weapons into the semi-autonomous region and incite inter-clan conflict, prompting authorities to ban federal-linked security personnel and officials from entering or operating in Puntland, Garowe news reported citing a statement by the regionโs Ministry of Security. The accusation was made in a statement issued on 24 June, in which Puntland authorities alleged the existence of a โmajor coordinated planโ involving the federal government and four foreign countries aimed at arming local proxies, including politicians and former officials, to trigger clan-based violence and destabilize the region, Garowe Online…
Fiintu waxa soo socda ayay ka ooydaa. Madaxweyne Deni wax xiriir ah ma lihin, intii uu xafiiska joogay saddex jeer baan arkay anigoo issimmo badan aan weheliyo, waligayna telephone iskama aannan maqal, waa arrin shakhsi ah taasi, Saas oo ay tahay waa madaxweynihii Puntland Inta xilkiisu dhamaanayo waa in lagu daayaa, Waase laga argati duwanaan karaa, waa la mucaaradi karaa si caafimaad qabta, kursiga uu ku fadhiyo waa la damci karaa, mana aha wax yaab leh. Ogaalkayga dhaqdhaqaaqa socda oo ku wajahan Puntland oo Mogadishu laga soo abaabulay oo hormadii ugu horaysay Puntland soo gaartay oo dhalinyaro sheeganaya siyaasiyiin iyo…
Sida ay ogaatay Idilnews, dadaalo ay wadeen ergo ka socota Jimcaale Jaamac Takar, oo maleeshiyaad ku haysta duleedka Garoowe dhowaana Xassan Shiikh sheegay inuu u magacaabay Taliyaha Qeybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka – ayaa guuldareystay, kaddib markii uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iska diiday ka hadalka arrinta Jimcaale. Ergada oo ka socotay Jimcaale ayaa ula tagay Madaxweyne Deni in loo ogolaado inuu kusoo laabto deegaanada Puntland, maadama uusan wadin wax dhib ah, oo ka dhan ah jiritaanka Dowladnimada Puntland. Xubnaha ayaa u geeyay Madaxweynaha in Jimcaale yiri “Anigu darajo aan mushaar kordhin iyo guno uga helo Muqdisho…
Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha deegaanadeeda kasoo degaan dadka u magacaaban xilalka DFS. War kasoo baxay Guddiga Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin, laguna arki karin iyagoo dhex soconaya deegaanada Puntland maleeshiyaad wata Takniko, oo aan ahayn ciidamada Dowladda Puntland. Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa uga digtay DFS hubka lagu soo daabulayo deegaanada Puntland, taas oo ka dhigan in Puntland ay u aqoonsan tahay Laascaanood magaalo kamid ah Puntland, iyadoo sidoo kale sheegtay in ka talaabo qaadayso diyaaradaha soo daabula hubkan. IDILNEWS
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maalmaha ku guda jirta dhageysiga iyo go’aan ka gaarista kiisas dilal ah oo ay geysteen Askar katirsan ciidamada Puntland. Qaar kamid ah kiisaska ayaa Maxkamaddu go’aan ka gaartay, iyadoo xukun dil ah ku ridday Askar katirsan ciidamada Puntland oo lagu helay dilka Askar iyo dad rayid ah. Dhageysiga kiisaska iyo go’aan gaaristooda ayaa si toos ah looga baahinayaa Warbaahinta, iyadoo si weyn ay ugu riyaaqeen shacabka Puntland. IDILNEWS
A government that cannot prosecute offenders weakens deterrence. A government that cannot maintain records weakens intelligence. A government that cannot hold perpetrators accountable weakens its own authority. The tragedy is that Puntland possesses many of the ingredients required for effective governance: experienced security personnel, established institutions, traditional authority structures, and a population that overwhelmingly desires peace and stability. What has been missing is political commitment to build a culture of accountability. The path forward is neither complicated nor revolutionary. Puntland must strengthen criminal investigations, institutionalize record-keeping, establish transparent inquiry procedures following major incidents, improve intelligence coordination, empower prosecutors, and ensure…
According to information obtained from sources reportedly connected to political circles in Mogadishu, a comprehensive strategic plan aimed at reshaping Somalia’s political structure and altering the geopolitical balance in the Horn of Africa is already being implemented. The plan is alleged to have been developed following recent constitutional changes introduced by the Federal Government of Somalia and is reportedly supported by external partners, particularly Turkey, Qatar, and Egypt. According to these sources, substantial financial and military resources have been allocated to achieve a series of political, military, and administrative objectives across Somalia. Phase One: Consolidation of Power The first phase…
Diyaarado sida hub ayaa ka degay maalmihii kasoo dhaafay magaalada Laascaanood gobolka Sool, iyagoo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho. Hubkan oo u badan rasaas ayaa laga soo saaray keydadka hubka ee Dowladda Federaalka ah, waxaan la xaqiijiyay in loogu talagalay in galiyo deegaanada Puntland, si loogu adeegsado khalkhal galinta Amniga iyo xasiloonida mandiqada. Idilnews ayaa ogaatay in hubkan iyo rasaasta ay keeneen Masar iyo Turkiga, kuwaas oo dabada ka riixaya qorshaha Xassan Shiikh, ee maalgalinta maleeshiyaad hubaysan iyo abuurista Burcad-badeeda ka howlgasha xeebaha Puntland, si loo dildilaaciyo Amniga deegaanka, oo kasoo baxay dagaalo qaatay sanad iyo dheeraad oo ciidamada Difaaca Puntland…
Madaxweynihii 7aad ee JFS, Sharif Sheikh Ahmed ayaa ka hadlay xasuuqii ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, isagoo ku tilmaamay fal ka fog Islaanimada. “Falkaani waa mid di wayn uga fog Islaanimada, dhaqanka suubban iyo walaaltimada, waxaana xannuunka dhacsadaan naxariis darrada ah la wadaagayaa qoysaska iyo ehelka ay saameysay.” Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool in laga hortago ficillada noocaan oo kale ah. IDILNEWS
21 qof oo lagu dilay xasuuq shalay ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, loona geystay Beesha Fiqishini ayaa aas wadareed loo sameeyay maanta. Dadkan la xasuuqay ayaa waxaa kamid ah Haween, carruur iyo odayaal waa weyn, kuwaas oo ku sugnaa Ari-Caddeeye. Dhacdadan ayaa argagax ka abuurtay baraha bulshada, iyadoo la sheegay in dableydii geysatay ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka maamulka Sool Bari ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye. Xasuuqa ayaa yimid kaddib markii rag hubeysan oo kasoo jeeda Beesha Fiqishini ay ku dileen Nin qaadwale ah oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad iyo nin geeljire ah oo la socday Ari-Caddeeye, waxaana…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiirada cusub ee uu bishii April magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni. 52 Mudane ayaa u codeeyay ansixinta Wasiirada cusub, 4 Mudane ayaa diiday, Halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan. IDILNEWS
Dowlad goboleed Puntland wuxuu ka dhashay rabitaanka shacabka iyo dadaalka isimada, waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada deegaannada Puntland. Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dadku waxay u baahdeen maamul suga amniga, xasilloonida, iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Si arrintaas loo xaqiijiyo, magaalada Garoowe waxaa ka dhacay shirar wada-tashi iyo dib-u-heshiisiin ah oo wakiillo ka kala socday gobollada Bari, Mudug, Nugaal, Sool, iyo Sanaag ay ka soo qayb galeen. Shirweynihii dastuuriga ahaa wuxuu si rasmi ah uga furmay duleedka Garoowe 15-kii Maarso 1998. Islaan Maxamed Islaan Muuse (AHN) ayaa furay, isagoo ku duceeyay in shirkaasi noqdo mid horseeda dowladnimo, nabad, iyo…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar qaatay labo maalmood oo uu ku tagay dalka Kenya. Xassan Shiikh ayaa looga yeeray Kenya, iyadoo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Nairobi, waxaana la geeyay beer nasasho oo ku taal magaalada Norak, oo ku sugnaa Madaxweynaha Kenya William Ruto. Idilnews ayaa xaqiijisay in kulan saacado qaatay uu dhexmaray Ruto oo wakiil ka ah hoggaamiyayaasha dalalka galbeedka oo uu wehlinayaan dublamaasiyiin sare iyo xubno sirdoon, iyo Xassan Shiikh oo laga reebay xubno la socday, iyadoo loo dhiibay dhambaal iyo…
In kabadan 25 Ruux ayaa ku geeryooday dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Beelaha Fiqishini (Habargidir) iyo Dhulbahante. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaad kasoo jeeda Beesha Fiqishini weerareen dad shacab ah, iyagoo dilay Rag aan hubaysaneyn oo ku sugnaa Ari-Caddeeye. Intaa kaddib dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac ayaa bilowday, waxaana lagu dilay Haween iyo dad kale oo maxaas ah, oo kasoo jeeda Beesha Fiqishini. Ilaa 22 qof oo kasoo jeeda Fiqishini ayaa dagaalka ku dhintay, Halka ilaa 5 kale oo kasoo jeeda dhinac Jaamac Siyaad, Dhulbahante lagu…
Booliska Dowladda Puntland ayaa ka celiyay kantaroolka Bari ee caasimadda Garoowe maleeshiyaad hubaysan oo sheegay in ay yihiin ilaalada Maxamuud Mashruuc oo 2023 sheegay in uu tartami doono Madaxweynaha Puntland, balse ka baaqsaday galista hoolka doorashada. Booliska Puntland ayaa ku amray maleeshiyaadkan in ay dib uga laabtaan kantaroolka, Mashruuc-na yahay qof caadi ah oo aan u baahnahay ilaali intaa dhan, deegaankuna nabad yahay. Balse, way ka Biyo diideen iyagoo isku dayay in ay kantaroolka jiiran, taas oo keentay in ciidamadu rasaas u adeegsadaan, waxaana la sheegay in ay ka dhaawacmeen 2 nin maleeshiyaadka hubeysan. Maxamuud Mashruuc oo kamid ah xubnaha…
Ra’iisul Wasaarihii Ingariiska, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka Xisbiga ee Labour Party. Go’aanka ayaa ku yimid cadaadis ay saareen xubnaha xisbiga Labour party, kaddib guuldaradii xisbigu kala kulmay doorashada dowladdaha hoose. Keir Starmen oo ah Ra’iisul Wasaarihii 7aad ee muddo 10 sano ah soo mara Ingariiska, ayaa la doortay 5 July, 2024, waxaana xisbigiisu ku eedeeynayaan hoos u dhaca taageerada dadweynaha xisbiga Labour party. Andy Burnham, oo ah xildhibaan cusub isla markaana ahaa duqii hore ee magaalada Manchester, ayaa loo arkaa ninka ugu cad-cad ee beddeli doona Starmer. IDILNEWS
Ammaanka deegaanada Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo sare loo qaaday Tirada ciidamada Booliska ee ka howlgalla kantaroollada magaalooyinka waa weyn. Idilnews ayaa ogaatay in Boqallaal Boolis ah la geeyay kantaroollada muhiimka ah ee laga soo galo magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland ay khamiistii soo saareen amar mamnuucaya in maleeshiyaad beeleedyada hubaysan ee sheegaya in ay ka amar qaataan maamulka Xassan Shiikh aysan isku gudbin karin deegaanada Puntland. Kordhinta ciidanka jooga kantaroollada ayaa cabsi ku abuurtay kooxaha hubaysan, iyagoo hada bilaabay in ay kala aadaan guryahooda iyo goobaha u ah xeryaha.…
Daryanka hubka culus ayaa caawa laga maqlayaa magaalada Baydhabo, kaddib markii ay magaalada soo weerareen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ka Amar qaata Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, wararka ayaa sheegaya in ciidamo Laftagareen ay la wareegeen qeybo kamid ah magaalada Baydhabo. Baydhabo ayaa Maalmo kahor laga qabtay doorasho la sheegay in Madaxweyne loogu doortay Aadan Madoobe, balse Laftagareen oo maamula Kumanaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ah ayaa diidan, waxaana uu sheeganayaa in uu isagu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed. IDILNEWS
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa baaq nabaddeed kasoo saaray dagaal beeleed dib uga bilowday deegaanka Caado ee degmada Wardheer ee gobolka Doollo. Shir jaraa’id oo uu qabtay Garaad Jaamac ayuu ku sheegay in beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya (Ismaaciil Gumcadle iyo Ibraahim, Ogaadeen) looga baahan in ay joojiyaan dagaalka, laguna noqdo gogasha nabadda. “Waxaa lay sheegay in tolkii xaajadoda la dhameeyay ay laba furantay. Waxaan maqlay in dhimashadu lix qof marayso. Marka hore waan ka tacsiyeynaynaa. Waxaan leeyahay xigtooy qaraabo dhaw ayaad tihiin ma kala maarantahay. Intuu walaalka kuu nool yahay ayuu col kaa difaaci karaa, ceel kaa waraabin karaa,…
Madaxtooyada Kenya ayaa hoos u dhigtay maqaamka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo garoonka diyaaradaha Nairobi loogu soo diray xubno hoose oo Dowladda ah. Xassan Shiikh ayaa looga qaaday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah Joma Kenyatta Airport, iyadoo laga dajiyay beer nasasho oo ku taal magaalada Norak, oo ku sugnaa Madaxweynaha Kenya William Ruto. Ruto ayaa ka gaabsaday in uu Xassan ugu yeero Madaxweyne, isagoo sidoo kale iska diiday in uu ka wareysto xaalka Soomaaliya, waxaana uu ku yiri “Soo dhawoow Walaal, ka waran Muqdisho.” Taas oo ka dhigan Soomaaliya ma xukuntid. Dhambaalka Ruto ka sidday…
Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa digniin u diray maleeshiyaadka hubeysan ee dhaqdhaqaaqa amni darro ka wada magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kale oo kamid ah gobolka. G/Sare Fardafuul ayaa sheegay in ay jiraan maleeshiyaad sheegaya in ay hoos tafaan DFS ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Xassan Shiikh, kuwaas oo amni darro ka wada deegaanka, baabuur Takniko ah lasoo galay magaalada. Waxaa uu xusay in aysan haysan ciddii lacag ka qaadanaysa Federaal ee musaska iyo guryaha jooga, balse aysan aqbali doonin in amni darro la abuuro, ayna talaabo ka qaadi doonaan. Taliyaha ayaa intaa ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay qiyamka sii lumaya ee dad xilalka ka qabta Puntland qaarkood. Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay madal uu kula kulmay dhallinyarada Puntland ayaa xusay in qof walba oo xil laga qaado, lagala soo hadlayo Muqdisho, laguna oranayo ciidamo qoro, maadama aad xanaaqsan tahay. Tan ayuu sheegay in ay ku noqotay fajac, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Xassan Shiikh, u gacan haatinta iyo hubeynta dadka xilalka laga qaado ee reer Puntland. Dhallinyarada Puntland ayuu uga digay Madaxweyne Deni in loo dhaga nuglaado dadka xanaaqsan ee…
Guddiga Amniga gobolka Mudug ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah, kaas oo looga hadlay xaalada Amni ee gobolka. Shirka oo uu Shir-guddoomiyay Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa waxaa ka qeybagaly dhammaan xubnaha Guddiga Amniga Gobolka. Shirka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga gobolka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo dardargelinta qorshayaasha lagu sugayo nabadgelyada bulshada. Sidoo kale, xubnaha guddigu waxay ka wada hadleen xaaladda amni ee guud ahaan gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo amniga shacabka. IDILNEWS
Xubno ka socday Gollaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Wakiillada Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada Mareykanka, Ingariiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ‘nooca doorasho’ ee ay doonayaan Golluhu in dalka laga qabto. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Xubnaha mucaaradku u gudbiyeen saaxiibada dhow, ee gacanta ku haya galka arrimaha Soomaaliya ‘Nooc doorasho’, kaas oo ah mid toos ah oo shacabku cod dhiibanayaan, kuna dhisan nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, iyadoo loo xiray kursiga xildhibaanimo beesha leh kursiga. Gollaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in doorashada lagu qabto dowlad gobolleed kasta 4 degmo, iyadoo ay qabanayaan labo Guddi…
Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in deegaanadeeda ay joogaan maleeshiyaad sheeganaya ciidamo ka Amar qaata Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Xassan Shiikh Maxamuud. War-saxafadeed kasoo baxay Shirka Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin Ciidamo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka howlgalla Puntland, ama joogi kara ilaa laga gaaro heshiis qodobadda masiiriga ah ee taabanaya nidaamka Federaalka. Laamaha Ammaanka iyo Hay’addaha Cadaallada Puntland ayaa la faray in aysan jirin karin ciidamo aan ka tirsaneyn kuwa Puntland oo dhex safri kara gudaha Puntland. IDILNEWS
Roobab mahiigaan ah oo dabeylo iyo qabow wata ayaa ka da’ay deegaano katirsan Puntland, iyadoo ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay. Degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa la xaqiijiyay in xurfada bartamaha laga soo saaray Meydka nin ku dhintay qabowga Roobka. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir GeesWalac ayaa si weyn looga yaqaanay Bursaalax. Sidoo kale, Haweeney ayaa la sheegay in qabowga Roobka ay ugu geeryooday deegaanka Heemo ee magaalada Gaalkacyo. Roobabka ayaa ka da’ay deegaano badan, waxaana geerida uu sababay marka laga soo tago si weyn ugu diiraaday shacabka, isagoo kusoo aaday xilli…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa meelmariyay Ajandaha Kalafadhigga 58aad ee Gollaha, iyadoo dood adag ay xildhibaanadu ka yeesheen qodobadda qaar. Illaa 20 kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa doonayay in Ajandaha lagu soo daro u yeerista Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, si loo weydiiyo su’aalo. Intaa kaddib, Waxaa cod la galiyay qodobkan oo ahaa mid xasaasi – 24 kamid ah Xildhibaanada ayaa diiday u yeerista Madaxweyne Deni, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq. Ajandaha oo la filayo in berri loo qeybiyo Golaha ayaa lagu daray dhowr qodob oo kale oo xildhibaanada mucaaradka sheegayaan in ay…
Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS, Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku guuldareystay dadaalo uu ku doonayay in aan Golaha Ammaanka QM la horgeyn weerarradii uu 4 June ku qaaday madaxda mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii 7aad ee DFS, Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xassan Cali Kheyre. Xassan Shiikh oo xiriiro la sameeyay dublamaaaisiyiin u dhashay dalka UK, uuna kamid ah yahay Safiirka Ingariiska u jooga Muqdisho, ayaa ka codsaday in aan Gollaha Ammaanka la hordhigin dagaaladii ka dhacay Muqdisho, uuna diyaar u yahay in heshiis degdeg ah laga gaaro maareynta marxalada kala-guurka ah iyo doorashooyinka Qaran. Balse, Danjire…
Madaxweynaha Kenya, William Samoei Ruto ayaa ka qeybgalay Shirka Dalalka G7 ee ka qabsoomay magaalada Evian dalka Faransiiska. Waa hoggaamiyaha labaad ee African ah, kan kali ah ee ka socda Africa-da madow ee Shirka lagu casuumay. Shirka G7 ayaa waxyaabaha diirada lagu saaray waxaa kamid ah wax ka qabashada Kobaca Shiinaha iyo saameyntiisa dhaqaalaha ee Dunida, xilli Shiinuhu kordhinayo dhoofinta badeecadihiisa ee caalamka, oo ay kamid yihiin dalalka Yurub iyo Mareykanka oo dadaal badan galinayo in la joojiyo ama ugu yaraan dib loo dhigo koritaanka dhaqaale Shiinaha. IDILNEWS
DFS ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha lumiyay sharciyada Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ugu yeertay Qaramada Midoobay Midowga Africa, IGAD iyo Jaamacadda Carabta in ay difaacaan madax banaanida Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xiriirka Israa’iil ay la yeelatay maamulka Somaliland, iyadoo aan la marin Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, kana arimin deegaanada Somaliland. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho. WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka…
Kulanka 6-aad, ee billaha ah ee aasaaska sanduuqa horumarinta Puntland ayaa ka qabsoomay Garoowe, waxaana shir-guddoomiyay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor. Kulanka ayaa looga hadlayay dhamaystirka aasaaska, dardargelinta iyo naqshadaynta Sanduuqa Horumarinta Puntland (Puntland Development Fund – PDF). IDILNEWS
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Villa Somalia Xassan Shiikh Maxamuud in uu ka abuuray xeebaha Puntland kooxo burcad-badeed oo bilihii u dambeeyay afduub u geystay Maraakiib dhowr ah. Siciid Deni oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhigga 58aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa xusay in Xassan Shiikh uu abuurista Burcad-badeeda uga gol-leeyahay khalkhal gelin amni ee deegaanada Puntland. Si lamid ah, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in deegaanada Puntland uu Xassan Shiikh ka qoray maleeshiyaad, si gaar ah magaalo xeebeedyada Eyl, Xaafuun, Bayla iyo Garacad, kuwaas oo qorshahoodu yahay in ay gacan siiyaan Burcad-badeed. IDILNEWS
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yeeshay kulan looga hadlay xiriirka dublamaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israaโiil. Cirro oo shir jaaraa’id oo wadajir ah ay qabteen Netanyahu ayaa sheegay in goโaankan ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland aysan ahayn oo kali ah aqoonsi diblomaasiyadeed, balse uu ahaa xaqiijin rasmi ah oo dunida u muujinaysa xaqiiqada siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland, taas oo muddo 35 sano ah dunida horteeda ku soo bandhigaysay tusaale guulaystay oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo, xasillooni iyo kala dambayn. Somaliland iyo Israaโiil ayaa si rasmi ah…
Maalmo kahor, kulan aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland ayay ki laaleen qodob dastuuri ah oo horey loo meelmariyay 2023, kaas oo dhigayay in dalku yahay Presidential ayna shacabku soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ka timid Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC), taas oo la xiriirta in dalka yahay Parliamentary, iyadoo shacabka Puntland soo dooran doonaan xildhibaanada Gollaha Wakiillada, halka 66 xildhibaan ay dooran doonaan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Qodobka ayaa la horgeyn doonaa Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland, kuwaas oo la rajeynayo in si aqlabiyad…
Madaxweynaha Jubbaland, Ahmed Mohamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta tababar usoo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubaland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada cadowga ay ka xoreynayaan maalmaha soo socda. Wuxuu xusay in guusha howlgaladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka dagay caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv, halkaas oo uu kulan dublamaasiyadeed kula leeyahay dhiggiisa Israa’iil ืืฆืืง ืืจืฆืื – Isaac Herzog Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya xoojinta xiriirka curdanka ah ee labada dhinac iyo iskaashiga ay ka yeeshaan Difaaca iyo Dhaqaalaha, iyagoo kulanka kaddib wada qabanaya Shir jaaraa’id. IDILNEWS
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti Sare oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimada maanta ka degi doona caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv. Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhigga iyo Saraakiisha ciidamada Somaliland iyo xubno Sare ayaa kamid ah waftiga Madaxweyne Cirro. Madaxweynaha ayaana kulan la yeelan doona dhiggiisa Israa’iil, Isaac Herzog – isagoo sidoo kale booqan doona goobo taariikhi ah oo ku yaal gudaha Israa’iil. Labada dhinac ayaa qorshuhu yahay in ay gaaraan heshiisyo waa weyn oo la xiriira iskaashiga Milateri iyo mid dhaqaale, taas oo noqonaysa dhacdo weyn. Tan iyo markii uu billowday xiriirka Israa’iil iyo Somaliland -…
Qaar kamid ah Isimmada dhaqanka Beesha Cumar Maxamuud ayaa raalligelin siiyay Isimka Guud ee Beesha Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. Isimmada waraaqda soo saaray oo afar ah ayaa horey eedeeyn ugu jeediyay Islaan Bashiir, iyagoo sheegay in ay kala laabteen kalsoonidii. Hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Iimaan Cabdiwahaab, Fiqi Cabdinaasir, Ugaas Cabdixayi iyo Ugaas Faarax Caabi.
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Nin ajnebi ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya, kaas oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish. Ninka ayaa noqonaya kii afaraad oo si toos ah isugu soo dhiiba ciidamada Puntland. Ninka ayaa xilliga lagu qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ka wadaan in kabadan 11 bilood dagaal ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Daacish. Maleeshiyaadka kooxda Daacish ayaa hadda gabaabsi ah, waxaana ay ku go’doonsan yihiin god ku yaalla Togga Baallade, xubnaha haray ee kooxda ayaa billaabay in ay isa…
Boolis cusub ayaa lagu wareejiyay amniga caasimadda Puntland ee Garoowe, kuwaas oo gaaraya 300 oo Askari oo kamid ahaa 500 oo Boolis ah oo tababar loogu soo xiray dhowaan Dugsiga Tababarka Booliska Puntland ee magaalada Carmo. Ciidamada cusub oo ah dhallinyaro aqoonyahano ah ayaa u shaqeyn doona hannaan casri ah, iyagoo kala wareegaya shaqada Booliskii hore oo lagu xareyn doono tababar. https://www.youtube.com/watch?v=2I3Pc0fiZ2k IDILNEWS
In kabadan 50 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas 48 saac ee u dambeysay ka socday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari. Howlgallada oo intooda badan ka dhacay Toggaga Miiraale iyo Baallade, waxaana ciidamada Puntland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa Mareykanka ay gudaha u galeen aaggag ay gabaad ka dhigteen firxadka kooxda Daacish, ee laga saaray Miraale oo ahaa Taliska ugu weyn ee Daacish ku leedahay Geeska Africa. Ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku waayay labo Askari, halka saddex kalena…
Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Charles King. Charles King oo bishii May soo gaaray Muqdisho, u gudbiyay Xassan Shiikh dhambaal uu ka sidday Dowladda Ingariiska, kaas oo ku wajahan marxalada uu dalku marayo iyo xaalada cakiran ee siyaasadda dalka. Villa Somalia ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Charles King, ay isla soo qaadeen Horumarinta iskaashiga Amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Ingariiska. “Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga.”…
Qarax miino ayaa haleelay gaari uu saarnaa Xoghayaha Dowladda hoose ee degmada Qandala iyo Askar la socotay, xilli ay marayeen Togga Ciida Dheer ee deegaanka Turmasaale. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo lagu aasay meel Ciid ah uu dhaawac kasoo gaaray Xoghayaha Dowladda hoose ee Qandala ee gobalka Bari. Ciidamada Puntland ayaa ku jira gabagabada Wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada, waxaana jira dagaallo dhexmaray ciidamada iyo firxadka kooxda Daacish oo lagu dilay xubno katirsan Daacish. IDILNEWS
Dowladda Mareykanka ayaa gabi ahaanba joojisay taageerada ay siin jirtay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, sidda uu xaqiijiyay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate ee Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in hoggaanka ciidamada DANAB ay lunsadeen saadkii ciidamada iyo raashinkoodii, iyadoo madaxda DFS ku guuldareysteen wax ka qabashada arrinta iyo in lala xisaabtamo kooxdii ku kacday musuqmaasuqa. โMareykanku ma dayacayaan Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Taageerada Danab waxaa la bilaabay in si tartiib tartiib ah loo yareeyo sannadkii 2024 kadib markii hoggaamiyaasha Danab ay musuqmaasuqeen raashinka loo qoondeeyey, dowladda Soomaaliya-na ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato arrintaas”…
Safiirrada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa qodobo adag hordhigay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, oo kulan qaatay saacado badan ay kula yeesheen xerada Xallane, gelinkii dambe ee isniintii. Kulanka oo qabsoomay wax yar kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u dhexeeyay Wakiillada caalamiga ah, gaar ahaan bahda C6+ – ayaa diirrada lagu saaray baahida loo qabo in la badbaadiyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya ee heshiiska laga yahay. Danjire Swan iyo safiirka Mareykanka Richard Riley, ayaa u soo bandhigay Madaxweyne Xassan Shiikh labo qodob, kuwaas oo kala ah 1. In uu aqbalo shuruudaha mucaaradka (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), uuna ka shaqeeyo in gogasha uu…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Cirro ayaa sheegay in Odinga ay ka wada-hadleen iskaashiga dhexmari Kara Somaliland iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, isu socodka iyo Arrimaha istiraatiijiga ah ee gobalka Geeska Africa. “Waxa aan si qoto dheer uga wada-hadalnay xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Mudane Raila Odinga iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa aanu isla meel dhignay fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Somaliland iyo Kenya, gaar…
4 xubnood oo katirsan firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Timirshe. Ragga oo ah Soomaali ayaa kamid ahaa baxsad Daacish, ee maalmo kahor laga saaray Miraale, waxaana ku sugan Timirshe Wasiirka Amniga Puntland, Xaaji Bakiin. Dhanka kale, howlgallo ayaa ka socda buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo lagu baadi goobayo firxadkii argagixisada Daacish, waxaana jira warar sheegaya in maleeshiyaad kamid ah Daacish oo Soomaali ah, ay doonayaan in ay isa soo dhiibaan. IDILNEWS