Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa loo doortay mar kale in uu hoggaamiyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cagjar ayaa xafiiska sii joogaya 5 sano oo cusub, kaddib doorashadii Itoobiya ee uu kusoo baxay xisbiga Barwaaqo. Itoobiya ayaa hadda dhexda uga jirta qalalaase siyaasadeed iyo colaad ka huraysa gobollada waqooyi, jabhadaha kasoo horjeeda maamulka Abiy Ahmed Ali ayaa dhowaan ku dhawaaqay isbaheysi, ay ku mideynayaan cududooda, si meesha looga saaro Abiy. Mr. Abiy ayaa dhankiisa isbedel ku sameeyay dastuurka Itoobiya, waxaana meesha laga saaray jaga Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo loo guuray Madaxweyne Awood badan. IDILNEWS
Author: Jibril Qoobey
Diyaaradaha Turkey ee F-16 ayaa manata dul heehaabaya deegaanada ku xeeran magaalada Muqdisho, kaddib dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo todobaadyo kahor soo qabsaday deegaano dhaca duleedka Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maleeshiyaad badan keentay duleedka Muqdisho, kuwaas oo aan la aqoon halka ay ku wajahan yihiin. Aroornimadii saaka ayaa saddex kamid ah diyaaradaha F-16 ee Turkey, oo maalmihii lasoo dhaafay lagu beegsanayay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacada u ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, laga kiciyay Muqdisho, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen in ujeedka loo…
PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650 km from piracy through highly executed successful operations. Four ships being held off the Puntland coast; three were rescued from the pirates, while the fourth ship fled to further south outside of Puntland waters. The ship which still under the pirates hands is called *Asana*, and they have taken it to Southern coastal areas. Puntland’s naval and police forces have performed an impressive operations that has brought praise and recognition to Puntland from world over. Puntland forces captured nearly 100 pirates during these operations to clear the region’s waters off…
يشهد القرن الأفريقي وبخاصة الصومال تحولا استراتيجيا عميقا يعيد تعريف مكانته في المعادلات الجيوسياسية والاقتصادية الإقليمية والدولية فبعد عقود من الصراعات وعدم الاستقرار بدأ هذا الإقليم يستعيد حضوره كفاعل مؤثر مستندا إلى موقعه الاستراتيجي الفريد وإلى تحولات إقليمية ودولية متسارعة فالصومال الذي يمتلك أطول ساحل في أفريقيا بطول يتجاوز 3300 كيلومتر يقع عند ملتقى طرق التجارة البحرية الحيوية التي تنقل أكثر من 40% من إمدادات النفط العالمية وحوالي 30% من التجارة العالمية بين آسيا وأوروبا عبر قناة السويس. يمتد القرن الأفريقي على شكل قرن بارز في أقصى الشرق الإفريقي ويضم دولا رئيسية هي الصومال، إثيوبيا، جيبوتي، وإريتريا، بينما تتسع المنطقة…
Dowladda Ingariiska ayaa walaac ka muujisay dagaallada soo noqnoqday ee dhowaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. War-saxafadeed kasoo baxay Safaarada Ingariiska ee Muqdisho – ayaa lagu sheegay in dagaallada Baydhabo ay saameyn ku yeesheen dad rayidka ah, ayna halis ugu jiraan in ay ka sii darto xaalada Bani’aadanimo ee magaalada Baydhabo. “Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka walaacsan dagaalka ka soo cusboonaaday Baydhabo iyo saameynta uu ku leeyahay dadka rayidka ah. Rabshado dheeraad ah ayaa halis ugu jira inay sii xumeyso xaalad bani’aadamnimo oo horeba u jilicsanayd oo ka jirta Gobolka Koonfur Galbeed, iyadoo bulshooyinka…
Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday howlgal ballaaran oo ka dhan ah Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Puntland. Howlgalka oo ay fulin doonaan Ciidanka Badda Puntland ayaa laga daahfuray magaalada Boosaaso, waxaana lagu beegsan doonaa doonyaha iyo Maraakiibta sifada sharci darrada ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland. Inta howlgalku socda ayaa doonyaha iyo Maraakiibta lagu soo qabto la keeni doonaa Dekedda Puntland, iyadoo sharciga la horkeeno doono shaqaalaha iyo masuuliyiinta wata doonyaha. Kalluumeysatada kunool xeebaha Puntland ayaa si weyn uga cabanaya doonyo iyo Maraakiib jariif ah, kuwaas oo mararka qaar waxyeelo u geystay kalluumeysatada deegaanka, oo wata saxiimado yar yar. IDILNEWS
Koox Burcad-badeed ah oo haysatay Markabka MT Eureka ayaa isaga ka degay saacado kaddib markii ciidamada Badda Puntland ay hareereeyeen Markabka. Kooxda Burcad-badeeda ahayd ayaa kaga degay Markabka deegaanka Hul-caanood ee gobolka Karkaar, iyagoo sidoo kale kala sii degay shaqaalihii saarnaa Markabka oo gaarayay ilaa 12, kuwaas oo ay ku wareejiyeen shacabka deegaanka. Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Burcad-badeeda ah ay qaadeen fal xun, waxaana ay dab qabad siiyeen qeyb Markabka kamid ah, si ay waxyeelo ugu geystaan, una caarisiiyaan. Waa Markabkii saddexaad oo maalmo gudahood ay ciidamada Badda Puntland kala wareegaan Burcad-badeeda haysatay, saaka ciidamada Puntland ayaa…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal ciidamada Badda Dowladda Puntland ay maanta kusoo furteen Markabka Honour-25, kaas oo tan iyo bishii April ay koox Burcad-badeed ah ku haysatay xeebaha Bari ee Puntland. Ciidamada PMPF oo wata gaadiidka dagaalka ee Badda ayaa shalay hareereeyay Markabka Honour-25, kooxda oo dalbatay xalay in loo baneeyo jid, ayna ka degi doonaan ayaa aroornimadii saaka fulin waayay is afgaradkii lala gaaray oo ahaa in ay si nabad ah uga soo degaan, aysana jiri doonin cid dabagalaysa. Ciidamada Badda Puntland ayaa intaa kaddib weeraray Markabka MT Honour-25, waxaan howlgal socday waqti kooban kaddib suuragashay in…
Ciidamada daacada u ah Cabdicasiis Laftagareen, oo bilo kahor awood looga wareegay maamulka Koonfur Galbeed ayaa guulo ka sheegtay weerar ay isniintii shalay ku qaadeen magaalada Baydhabo, kaas oo sababay dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Baydhabo. Wasiirka Warfaafinta maamulka Laftagareen, Xassan Maxamed Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ay hub fara-badan ku qabsadeen dagaalka, ayna burburiyeen ilaa afar gaari oo ay lahaayeen ciidamada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh, ee jooga Baydhabo si ay u difaacaan maamulka Aadan Madoobe ee laga dhisay magaalada. Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka Warfaafinta maamulka Laftagareen. War kooban: Dowladda Koonfur-galbeen waxaa…
Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa saaka weerar ku qaaday koox Burcad-badeed ah oo haysata Markabka Honour-25, oo lagu heystay xeebta deegaanka Dharin-Baar ee gobolka Karkaar. Dhawaqa rasaasta ayaa si weyn loo maqlayaa, waxaana jira is difaac ay saameynayaan kooxda Burcad-badeeda ah ee haysata Markabka. Saraakiisha Ciidanka Badda Puntland ayaa sheegaya in saacado kooban gudahood ay kula wareegi doonaan Markabka, ayna cadaaladda horgeyn doonaan kooxda haysata. Markabka Honour-25, waxaa leh ganacsade Reer Puntland, waxaana uu sidaa shidaal fara-badan. IDILNEWS
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka socda saacado badan magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacada u ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Dagaalka oo bilowday aroornimadii saaka ayaa yimid kaddib weerar dhowr jiho ah oo ay magaalada kusoo qaadeen Ciidamada Laftagareen, kuwaas oo horraantii dagaalka qabsaday saldhigyo Ciidan iyo xaafado kamid ah Baydhabo. Diyaaradaha Drones-ka ee lagu xiro Qaraxyada ayaa qeyb ka ahaa dagaalka saaka, waxaana la xaqiijiyay in si tiro beel ah loo adeegsaday. Khasaare oo xooggan ayaa ka dhashay dagaalka, wararka ayaa sheegaya in…
Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee mashruuca biyo-saarka magaalada Garoowe. Mashruucan oo lagu magacaabo Nagaad, oo ka mid ah mashaariicda biyo-saarka ee ugu waaweyn ee laga hirgeliyey Soomaaliya, ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka, waxaana fulisay shirkadda TTN. Sidoo kale, Hay’adda UNOPS ayaa mashruuca ka qayb qaadatay dhinaca qiimeynta. Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa munaasabadda ku weheliyey madaxa ugu sarreeya Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hideki Matsnaga, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Maamulka…
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdulqaadir Xassan ayaa uga digay Askarta kamidka ah ciidamada kala duwan ee Dowladda dhibaateynta shacabka Puntland. G/Sare Maxamuud Cabdiqadir Xasan ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya shacabka, kuwaas la xiriira in Askar sita dareeska ciidamada Puntland ay Rasaas ka ridaan goobaha shacabka, iyagoo u awood sheeganaya. Askarta Dowladdaha hoose iyo istaafyada masuuliyiinta ayuu sheegay in ay yihiin cidda uga badan ee cabashadoodu soo gaarto. Guddoomiye Maxamuud ayaa xusay in Askarta falalkaas ku kaca aysan wax tallaabo ah ka qaadin saraakiisha xukunta, taas oo ah wax aan…
Ciidamada Badda Puntland ayaa si xoog ah kusoo furtay Marka u afduubnaa koox Burcad-badeed ah, oo lagu haystay xeebaha Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug. Markab oo lagu soo furtay howlgal ay sameeyeen ciidamada Badda Puntland, ayaa lagu magacaabaa MTT-SIBU1. Howlgalka oo dhacay habeenimadii xalay – ayaa ciidamada Badda Puntland kula soo wareegeen Markabka, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo gaaray kooxdii Burcad-badeeda ahayd ee markabka afduubka ku haystay. Saraakiil katirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa u xaqiijiyay IdilNewa in uusan jirin khasaare soo gaaray markabka iyo shaqaalihii saarnaa. Dowladda Puntland ayaa dhowaan kordhisay Tirada ciidamada Badda iyo gaadiidka ku…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay : – ◆Amniga: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta amniga guud ee Puntland oo meel wanaagsan maraya iyo warbixinada howlgaladii amni ee ugu danbeeyay sida Howlgalka Calmiskaad ka socda ee lagu beegsanayo Firxadka Argagixisada Daacish iyo Howlgalkii ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka ee ka dhacay Buuralayda Calmadow ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Alshabaab, iyadoo meelihii duqeyntu ka dhacday ay Ciidanku ka howlgaleen. ◆ Warbixinta Gobollada: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Golaha uga warbixisay xaaladda degmooyinka iyo…
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, oo ay wehlinayaan gudoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee gobolka, ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug, kaas oo uu ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, iyo dhammaan xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga Gobolka Mudug, iyadoo xubnaha Guddiga Amniga ay ka wada hadleen xaaladaha amni ee ka jira gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambeynta. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Mudug, si loo sii…
War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in baaris lagu sameeyay maleeshiyaadka saaka lagu qabtay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo, iyo is dhaafsi xogeed oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug kaddib kasii daayay maleeshiyaadka iyo gaadiidkii ay wateen. Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Booliska Puntland. WAR-SAXAAFADEED Gaalkacyo: September 21, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay koox hubeysan oo ka soo gudubtay xuduudka, kuwaas oo lagu qabtay Koontaroolka Koonfureed ee magaalada. Kadib qabashada, kooxdaha waxaa loo gudbiyay hay’adaha baarista ee CID-da Puntland, si loo xaqiijiyo xogta la xiriirta aqoonsigooda, xaaladdooda iyo sababta ay gudaha Puntland u…
Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad la doonayay in la askareeyo oo loo wadday dugsiga tababarada ee maamulka Xassan Shiikh ee deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Maleeshiyaadka ayaa saarnaa gaadiid Ciidan oo labo ah, waxaana lagu qabtay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo, xilli ay ka lumeen jidka. Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadka la qabtay ay kabadan yihiin 100 qof, waxaana ay u badan yihiin maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, iyadoo hada la geeyay Taliska dhexe ee Qeybta Booliska gobolka Mudug. Hay’addaha Amniga Puntland ayaa wada baaris dheeraad ah oo ku wajahan maleeshiyaadka, qorshaha loo aruurinayay iyo halka…
In kabadan 100 qof oo isugu jira masuuliyiin xilal haya, Isimo dhaqan, siyaasiyiin, cilmi-baarayaal, aqoonyahano iyo haldoor kale oo Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 4-aad ee Nabadda ee PDRC oo berri ka furmi doona caasimadda Puntland ee Garoowe. Shirweynaha oo socon doona 3 maalmood ayaa sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca “Nuglaanta, Dhismaha Dowladnimada & Nabadeynta Soomaaliya”. Inta Shirweynaha uu socda ayaa waxaa ka qeyb noqon doona martidiisa Wakiillo iyo dublamayaasiyiin ka socda Safaarada dalalka taageera dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood qeyb ka yihiin maalgaliyayaasha Shirka. PDRC oo ah xarunta horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland, ayaa ah Hay’adda Cilmi-baariseed ee ugu…
Ciidamada Badda Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u billaabay hawlgal istiraatiiji ah oo ballaaran, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga badda iyo magalooyinka xeebaha ay maamusho dowladda Puntland, iyadoo la doonayo in si buuxda looga ciribtiro kooxaha burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah, iyo dembiyada abaabulan ee ka dhaca baddaha Puntland. Hawlgalkan oo ay si dardar leh u wadaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa ku billowday qorshe adag oo ay kaga jawaabayaan falal ay ku kaceen kooxo burcad-badeed ah oo isku dayaya inay afduubtaan ama qafaashaan maraakiibta biyaha caalamiga marsya ee kusugan marin-biyoodka caamaliga ah. Wararka laga helayo sarakiisha…
Cutubyo kamid ah ah Ciidamada Difaaca Puntland ayaa loo daabulay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo dhowaan ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Daraawiishta iyo PMPF Puntland ayaa wata gaadiid dagaal oo fara-badan, waxaana saaka ay gaareen deegaano ku yaal buuraleyda Calmadow. IdilNewa ayaa ogaatay in ciidamada ay ku biiti doonaan ciidamo katirsan Dowladda Puntland oo horrey farriisimo ugu lahaa buuraleyda Calmadow, iyadoo la bilaabi doono howlgal culus oo lagu burburinayo kooxda Al-Shabaab oo joogis ku leh buuraleyda Calmadow. Daabulka Ciidamada cusub ee Puntland ee Calmadow, ayaa imaanaya…
Dowladda Turkey ayaa kasoo tarxiishay dalkeeda 50 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas kamid ah in kabadan 150 qof Soomaali ah oo laga qabtay magaalooyinka dalka Turkey. Dadka lasoo tarxiilay oo maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa isugu jira bukaano Arrimo caafimaad u tagay Turkey iyo arday wax ka baranaysay dalkaas, kuwaas oo la qabtay xilli ay dhexmarayeen magaalooyinka dalkaas. Sidoo kale, Turkey ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho kasoo dajiso in kabadan 100 muwaadin oo Soomaali, kuwaas oo hada ku jira xabsiyada dalkeeda. Soomaalida ayaa ah ajaanibta kali ah ee lagu dhex beegsado gudaha Turkey,…
Devin Kennington, ayaa loo magacaabay in uu noqdo Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya. Danjire Devin ayaa kasoo jeeda gobolka California, waxaana uu kamid noqday Safiiro badan oo xalay magacaabay Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ka shaqeyn doona danaha Mareykanka. Devin Kennington ayaa ah dublamaasi muddo ka shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, waxaana uu si gaar ah aqoon ugu leeyahay Arrimaha Barriga iyo bartamaha Africa. Danjire Devin ayaa beddelaya Richard Riley. Waxaana magacaabistiisa la horgeeyn doonaa Senate-ka Mareykanka, si ay u ansixiyaan kahor inta uusan si rasmi ah xilka u qaban. IDILNEWS
By: Abdifatah Abdinur State Minister of the Presidency Puntland State of Somalia Abdifatah.abdinur@gmail.com The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr, Where Earth Meets the Indian Ocean. It was an honor and a privilege to accompany H.E. President Said Abdullahi Deni of Puntland State of Somalia on a remarkable Journey Through Baargaal and Hafun — Where Mountains, Ocean and Ancient Civilizations Meet At the far eastern edge of Africa lies a remarkable land where history, nature and the ocean come together in a way that is difficult to find anywhere else in…
Allaha u naxariistee Xaawo Aadan Camey, oo ahayd Haweeney u dhaqdhaqaaqda Arrimaha Bulshada ayaa geeryootay. Maamo Xaawo oo dhowaanahan xaaladeeda caafimaad ay liidatay ayaa saaka ku geeriyootay Hospital ku yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Xaawo Aadan oo loo garan ogyahay “Mama Hawa” ayaa ahayd aasaasihii iyo agaasimaha guud ee xarunta waxbarashada Gaalkacyo ee nabadda iyo horumarka ee (GECPD). Maama Xaawo oo hogaaminaysa xarunta GECPD, ayaa saameyn ku yeelatay nolasha kumanaan Haween ah, waxaan ay ku badashay waxbarasho rasmi ah, tababar xirfadeed, u doodista xuquuqul insaanka, iyo taageerada nafsaaniga ah. IDILNEWS
Turkigu Somaliya Bishii,wuxuu ka qaadaa ku dhawaad Sadex Boqol oo Milyan oo Dollar,halka Maraykanka iyo reer Yurub ay soo galiyaan ku dhawaad $ Hal Bilyan oo Dolar. Maamulida Dekeda iyo garoonka Muqdisho ma’ahan wax muhiim u ah Somalid oo,waa ku filan tahay Somalidu maamulida garoomo iyo Dekedo,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa PL iyo SL. Shidaal qodista waxba lagama sheegi karo xilligan oo waa Gacan uur ku jirta oo aan waxba ka cadaan weli. Booqashadii Xamar ee Erdogan iyo Qoyskiisii xilligii adkaa ma noqon karto abaal wax walba gooya. Turkigu markii ugu horaysay,wuxuu kusoo galay Somaliya gargaar bini’aadantinimo. Ujeedka uu ka…
Maleeshiyaad ku dagaalamay labo maalin kahor magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay in ay isaga baxaan gudaha magaalada kaddib Amarkii kasoo baxay Dowladda Puntland. Guddi ay Puntland u dirtay Badhan ayaa shalay u qabtay maleeshiyaad beeleedka dagaalamay, in kahor 8:00 subaxnimo ee axada maanta ah isaga baxaan gudaha magaalada, iyagoo sheegay in ciddii fulin wayday laga qaadi doono talaabo sharci ah. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland, Fu’aad Xanaano oo Shirka go’aanka Guddiga shalay ka hadlayay, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin maleeshiyaad sita hub, aan sharci ahayn in ay dhex joogaan magaalada Badhan. Dhacdadii dagaal beeleedka ee jimcihii ayuu…
Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa maanta u socdaalaya dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmayo dublamayaasiyiin Sare iyo xubno katirsan hoggaanka siyaasadda Soomaalida. Madaxweyne Deni oo khamiistii soo gabagabeeyay socdaal uu ku marayay deegaanada Puntland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay helayay farriimo uga imaanayay Saaxiibada Puntland, kuwaas oo dalbanayay is arag gudaha Puntland ah, balse shaqooyinka horyaallay Madaxweynaha ayaa sababtay in uu ka baaqsado. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚. Sidda ay ogaatay Idilnews, Safarka Madaxwyne Deni ayaa ku yimid casuumaad uga timid Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, isagoo tagi doona safaarada Mareykanka ee Nairobi, halkaa uu kulamo kuila qaadan doono dublamaasiyiin sare…
Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in xeebaha dalkeeda ay soo gaareen Boqollaal qaxooti ah oo kasoo cararay colaada dalka Yemen, gaar ahaan dagaaladii u dambeeyay ee u dhexeeyay Ciidamada Sacuudigu taageero iyo Xuutiyiinta Yemen, ayna maleeshiyaadka Xuutigu ku qabsadeen magaalada Mocha ee albaabka marinka Baabul-mandab. Ilaa 500 oo qaxooti ah ayaa ka gaaray xeebta magaalada Obock ee dalka Jabuuti, kuwaas oo isugu jira Haween iyo carruur, sida ay faafisay Warbaahinta Dowladda Jabuuti. Sidoo kale, Jabuuti ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay dad badan oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo doonyihii ay saarnaayeen ay shidaal goosteen, ayna saacado badan biyaha Badda dul sabeynayeen.…
Ciidanka Xuutiyiinta ayaa khamiista maanta ah la wareegay magaalada Dekedda leh ee Mocha ee dalka Yemen, kaddib dagaal socday Maalmo oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen oo uu taageerayo Sacuudigu iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Mocha ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taalla qiyaastii 75km (47 mayl) dhanka waqooyi ee marinka Bab al-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Caden. In kabadan 20,000 oo qof ay ku barakacay dagaallo dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. Waxyaabaha ugu waaweyn ee gacan ka geystay inay Xuutiyiintu la wareegaan magaalada ayaa ahaa ka bixitaanka dagaalka ee Ciidamada Iska-caabbinta…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in Dowladdu dagaal lamid ah kii argagixisada Daacish la geli doonto kooxaha Burcad-badeeda ah. Isagoo xalay la hadlayay bulshada Xaafuun, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Burcad-badeedu ay khatar ku tahay Mustaqbalka iyo maalgashiga Puntland, waxaana uu xusay in aysan aqbali doonin, ulana dagaali doonin sidda kooxda argagaxisada ah ee Daacish. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay xooga saari doonaan kobcinta dhaqaalaha deegaanada xeebaha ah ee Puntland, si gaar ah dhinacyada Kalluumeysiga, Beeyada, iyo dalxiiska, si wax looga bedelo nolasha bulshada deegaanada kunool. Waxaa uu sheegay in dowladdu dardargelin doonto dhismaha Waddo laami ah…
Ciidanka Booliska gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay labo gabdhood oo jirdil u geystay, muuqaalna ka duubay Gabar yar, kuwaas ku sugnaa magaalada Qardho. Hoos ka akhriso War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland. BOOLISKA PUNTLAND OO QARDHO KU QABTAY LABA EEDAYSANE Qardho, September 08, 2026: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, ayaa magaalada Qardho gacanta ku dhigay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, oo ah laba eedeysane oo loo haysto jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah. Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya gabar carruur ah oo loo geysanayo fal jirdil iyo tacaddi, iyadoo dhacdada…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabi doono waddo laami ah oo xiriirisa degmooyinka dhaca Barriga Puntland, ee gaaristoodu fog tahay. Isagoo xalay la hadlayay bulshada degmada Baargaal ee gobolka Raas-caseyr, ayuu Madaxweyne Deni sheegay in lasoo dhameeyay daraasad lagu sameeyay dhismaha waddo laami ah oo ka leexan doonta deegaanka Kala-beyr ee Boosaaso aadina doonta degmooyinka Isku-shuban iyo Ufeyn. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in marka lasoo gabagabeeyay dhismaha Waddada lasii amba qaadi doono, ilaa laga gaarsiiyo magaalada Caluula ee caasimadda gobolka Raas-caseyr, oo dhacda cirifka Bari ee Puntland, ahna aaga muhiimka ah ee gobolka Geeska…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay Daartii Taariikhiga aheyd ee uu ka arrimin jiray Boqor Cismaan, oo hadda lagu sameynayo dib u dayactir iyadoo laga dhigayo Madxaf lagu kaydiyo taariikhda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Masaajidka Taariikhiga ah ee Daarta Boqor Cismaan oo dib loo dhisayo, Daarta Boqor Cismaan iyo Masaajidkan ayaa ahaa meeshii u horeeyay Soomaaliya ee Talyaanigu uu Duqeyn Maraakiib ku weeraray. Madaxweynaha ayaa munaasabadda kaga dhawaaqay in la sameynayo Hay’ad ka shaqeysa ururinta iyo illaalinta Taariikhda Puntland, si aysan u lumin taariikhda dadka reer Puntland. IDILNEWS
Xubno katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka DFS ee NISA ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay lunsashada lacag fara-badan oo ay kala baxeen Akoonada Hay’adda. IdilNewa ayaa ogaatay in xubnaha la xiray oo ah saddex, kana howlgalayay xafiiska Maaliyadda ee NISA lagu helay in ay dhaceen lacag gaaraysa 2.5 Milyan oo dollar. Lacagta la dhacay ayaa isugu jirtay mushaaraad ay lahaayeen shaqaalaha iyo ciidamada Hay’adda ee jooga Muqdisho iyo gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo bilaha qaar laga jartay mushaaraadkooda iyo gunnooyinka ay lahaayeen, laguna shubtay akoono gaar ah. Dhacdada ayaa ifbaxday dhowaan, kaddib markii lacag jarashadu saameysay…
Shacabka caasimadda Jubbaland ee Kismaayo iyo kuwa degmada Afmadow ayaa maanta dhigay banaan-bax ay kaga soo horjeedaan duqeyn uu Turkigu jimcihii ka geystay degmada Doollow ee gobolka Gedo, uuna la beegsaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub). Gen. Shub oo labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS iyo Xildhibaan Qaran, ayaa diyaaradaha Drones-ka Turkey ku duqeysay hoygiisa Doollow, iyadoo loo beegsaday in uu ka horyimid maamulka Xassan Shiikh ka dhisay Baydhabo ee Aadan Madoobe iyo in Ciidan taabacsan marar is xiga galeen Baydhabo, jabiyeena Ciidanka Federaalka iyo maleeshiyaadka Aadan Madoobe. Kacdoonka ayaa bar bilow u ah baraarug Bulsho oo ka dhan…
Baarayaal ka socda Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya ayaa tagay degmada Doollow, oo maalmo kahor ay ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS iyo Xildhibaan Qaran. IdilNewa ayaa ogaatay in baarayaasha ka yimid labada dal, ay marar isxiga tageen Doollow, iyagoo meesha ka qaatay walxaha haraadiga ahaa gantaalka lagu dhoftay hoyga Gen. Shub. Duqeynta oo dhacday jimcihii, ayaa Gen. Mahad Cabdiraxmaan waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana isaga iyo xaaskiisa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Jubbaland ayaa ku eedeeysay Turkey fulinta weerarka duqeynta ah ee lagu…
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku xanuunsanaya dalka Serbia, oo uu safar ku tagay 5 maalmood kahor. Xassan Shiikh ayaa maalmo ku qaatay isbitaal ku yaal caasimadda Serbia ee Belgrade, xanuunkiisa ayaa la xiriira dhanka madaxa, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaa ku daraya in dhammaan xubnihii Xassan Shiikh ku wehlinayay safarka Belgrade, fasax la siiyay, waxaana qaarkood loo diray dalka China. Xassan Shiikh ayaa la filayaa in maanta laga fasaxo isbitaalka, isagoo dib ugu soo laaban doona Muqdisho. IDILNEWS
Ciidamada daacada u ah Madaxweyne Abdiaziz Laftagareen ayaa saaka mar kale weerar ku qaaday magaalada Baydhabo, iyagoo qabsaday xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada. Xaafadaha qaar ee Baydhabo ayaa laga maqlayaa dhawaqa hubka waa weyn, wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dagaalo goos-goos ah oo dhexmaraya Ciidamada Laftagareen iyo kuwa maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe ee laga dhisay Baydhabo. Khasaare kala duwan ayaa durbaba lasoo warinayaa in weerarka uu ka dhashay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac iyo goobo dadweyne oo burbur soo gaaray. IDILNEWS
Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada Dowladda Puntland oo howlaha shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga Amniga Gobolka Mudug, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan arrimaha amniga iyo nabadda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga, xoojinta nabadgelyada iyo ilaalinta danaha bulshada. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la…
Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa la filayaa in dhowaan uu magacaabo Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, kaddib muddo cabasho laga muujinayay hoos u dhaca shaqooyinka xafiisyada Dowladda, oo qaarkood xubnihii ku baxeen khilaafaad soo kala dhexgalay masuuliyiinta sare. IdilNewa ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni qorsheeynayay in todobaadkan uu sii daayo liiska Agaasimayaal Guud, kaddibna xijiyo Agaasime waaxeedyada, balse uu dib u dhigay, sababo shaqooyin badan oo horyaala maalmaha iyo safaro uu qorsheeynayo in uu ku maro degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Bari iyo Sanaag. Inta la xaqiijiyay badi Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda Puntland ayaa xilalka laga qaadi…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu wadaa in maalmaha soo sodea uu u socdaalo dalka Mareykanka, kaddib casuumaad uu ka helay Xarun ka shaqeysa siyaasadda oo ku taal Washington. Madaxweyne Cirro ayaa hoggaamin doona Wafti Sare oo Reer Somaliland, isagoo kulamo la yeelan doona xubno sare oo katirsan Dowladda Mareykanka, siyaasiyiin iyo Ganacsato Reer Mareykan ah. Xogaha ayaa tibaaxaya in ay jiraan dadaalo ay wadaan xubno muhiim ah oo ku dhow Madaxweyne Donald J. Trump, kuwaas oo qorsheynaya in is arag ay yeeshaan Cirro iyo Trump. Somaliland ayaa dadaal badan gelinaysa helitaanka aqoonsi caalami ah, waxaana 25 Dec, 2025, uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hogaaminaayo Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose . Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha. Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, Iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada Ciidamada…
Wafti Sare oo ka socda Dowladda Mareykanka ayaa maanta ka deggaya magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jira dublamayaasiyiin iyo saraakiil ka socda Taliska AFRICOM. Xubnaha ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, iyagoo ka wada-hadli doono xoojinta iskaashiga Amni ee Puntland iyo Mareykanka. IdilNewa ayaa ogaatay in kulanka si gaar ah diirada loogu saari doono dadajinta dhismaha saldhiga Mareykanka ee Boosaaso iyo dhismaha Ciidamo Kumaandoos ah oo kamid ah Daraawiishta Puntland, kuwaas oo la howlgali doona Ciidamada Mareykanka ee degi doona Boosaaso, fulina doona howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo argagaxisada. Mareykanka ayaa aad u doonaya in iskaashi…
Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa loo daabulay deegaanka Garacad, si loo beegsado kooxo abaabulan oo Burcad-badeed ah ayna maalgelinayaan maamulka Hassan Sheikh iyo dowladdo shisheeye oo Turkey kamid yahay. Maalmo kahor, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kaga dhawaaqay deegaanka Garacad howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha Burcad-badeeda ah, waxaana uu sheegay in deegaanka laga sameyn doono saldhig Ciidan, lana keeni doono. Ciidamada cusub ee gaaray Garacad ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin Ciidamo kale oo maalmaha soo socda la geyn doono Garacad iyo deegaanada xeebaha ah ee ku dhow, kuwaas oo isugu jira Booliska gaarka ah…
The international community has abandoned the former policy of constructing a meaningful central state based in Mogadishu and has turned instead to a policy of fashioning small, accountable states. Somaliland, Puntland and the South Somalia are the three republics now being assembled; Jubaland is treated as a separate case from the remainder of Southern Somalia. What, then, is the new policy? It sprang from a single purpose: that the world has grown weary of dispensing aid and has moved to a relationship of exchange. Politicians who hold this view with particular conviction have assumed the leadership of the West, America…
Hay’addaha Amniga Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay Boqollaal kamid ah Ciidamo dhowaan uu tababar ugu soo xiray deegaanka Xananbuure, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Hassan Sheikh Mohamud. IdilNewa ayaa ogaatay in Tirada Askarta la qabtay ay kabadan tahay 200 oo Askari, kuwaas oo meelo kala duwan kasoo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Askarta Federaalka Soomaaliya ee lagu qabtay xuduudka Itoobiya ayaa ah dhallinyaro la askareeyay oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo horrey sifo sharci ahayn looga qoray deegaanka Soomaalida. Dhallinyarada ayaa u sheegay laamaha Amniga DDS in lasoo siiyay fasax bil ah, aysana weli helin xuquuq rasmi ah oo mushaar…
Tirada dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay dalka Nepal ayaa gaartay in kabadan 800 oo qof, halka 3000 oo qof oo kalena weli la la’yahay nolal iyo geeri. Dadka aan ilaa hadda la hayn ayaa waxaa kamid ah 900 oo shaqaale ah, kuwaas oo ka howlgalayay Xarun Tamarta korontada ee Nepal, waxaana socda dadaalo lagu baadi goobayo dadkaan. Daadadka Nepal ayaa ka dhashay burbur baraf oo ka dhacay buuraha Himilaaya ee Nepal, waxaana tani sababtay musiibo weyn oo galaafatay magaalooyin iyo deegaano badan oo dhaca Toggaga ka hooseeya buuraha Himilaaya. Meydadka dadka ku dhintay daadadka ayaa qaarkood ku caariyay dalka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa todobaadkan tababar u soo xiraya in kabadan labo kun oo askari oo cusub, oo kamid noqonaya Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Dowladda Puntland. Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ku jiray dugsiyada tababarka ee Gen. Giriin, Badhan, Kulliyada Booliska Carmo iyo Xorgoble oo Qardho ah, waxaana hadda socota diyaarinta munaasabadda xiritaanka tababarka Ciidamada cusub. Ciidanka cusub ayaa u badan dhallinyaro ka qalinjabisay Jaamacaddaha, oo ku biiray Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta. Madaxweyne Deni oo shalay ka degay Boosaaso, kaddib safar qaatay todobaadyo oo ku marayay gobolka Mudug – ayaa todobaadkan isku mari doona magaalooyinka Badhan, Carmo…
War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyay lacag madax furasho oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Dowladda Turkigu siiyeen koox Burcad-badeeda ah oo haysatay Markabka MV LUTUF, taas oo dhiiragelinaysa kooxaha Burcad-badeeda ah, caqabadna ku ah daddaalada socda ee ku wajahan la-dagaallanka Burcad-badeeda. Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegtay in Turkidu ka dambeeyeen duqeymihii ka dhacay xeebaha Garmaal iyo Jiifle ee gobolka Nugaal, oo lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo kalluumeysato ah, waxaana ay sheegtay in lagula xisaabtami doono Turkey. Hoos ka Akhriso War-saxafadeedka Wasaaradda Amniga Puntland. #WARSAXAAFADEED; 29 AGOOSTO 2026; Wasaaradda Amniga…
Wada-hadallo la doonayay in lagu soo afmeero dagaalka dhaqaale ee Mareykanka iyo Canada, ayaa guuldareystay kaddib markii ergada labada dhinac ay isku mari waayeen heshiis laga gaaro canshuuraha dheeriga ah ee Madaxweyne Donald Trump kusoo rogay Canada. Trump ayaa saaray Badeecaddaha ka yimaada dalka Canada ee gala Mareykanka canshuur dhan 50%, Canada oo ka carootay tallaabada ayaa si lamid ah saartay baddeecadaha Mareykanka canshuur lamid ah. 73% Baddeecadaha ay soo saaraan Ganacsatada Canada ayaa loo iibgeeyaa gobollada kala duwan ee Mareykanka, canshuuraha dheeriga ah ee Trump ayaa si weyn looga dareemay suuqyada Canada. In kabadan 90 Kun oo shaqo ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad, isagoo xariggaa ka jaray dhismaha kaydinta badeecadaha, isla markaasina kormeeray jenbiga cusub ee (C) oo dhowaan lagusoo kordhiyey Dekadda iyo Jenbiga (D) oo isagana shaqadiisu socoto. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Xafiisyada cusub ee Wasaaradaha ku shaqo leh arrimaha Dekadaha Puntland, ay ku dhex sameysteen Dekadda kuwaasi oo si casri ah loo dhisay, loona diyaariyey in ay fududeeyaan waxkasta oo ku saabsan shaqada Dekadda iyo dardargelinteeda. Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan sida ay u socoto howsha Dekadu ka dhegaystay Guddiga iyo Maamulka Dekadda…
Sirdoonka Masar ayaa ugu yeeray Qaahira, hoggaamiyaha maamulka Sool-Bari Cabdulqaadir Firdhiye, kaas maalmo kahor tagay, uuna deegaan u qabtay Safiirka Soomaaliya ee Masar Cali Cabdi Awaare. Sidda ay heshay Idilnews, xiriirka Masar iyo Firdhiye ayaa waxaa ka shaqeeyay Xamse Cabdi Barre oo ku magacaaban Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ah ee Muqdisho iyo Agaasimaha Sirdoonka Muqdisho, Mahad Salad. Masaarida ayaa doonaya in Firdhiye uu aqbalo in Laascaanood ay saldhig u noqoto, qorshe halis ku ah Amniga dalka Itoobiya, oo ay isku hayaan Biyo xireenka webiga Nile, iyadoo bedelkeeda Masaaridu taageero dhaqaale iyo hub siinaysa maamulka Sool-Bari. Jabhada ONLF darafka Muudeey ayay…
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maalmaha soo socda safar degdeg ah ku tagi doona magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. IdilNewa ayaa heshay, in Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Dekedda leh ee Garacad ee gobolka Mudug – uu berri safar diyaaradeed ku gaari doono magaalada Boosaaso, halkaas oo ku qaabili doono Wafuud kala duwan. Madaxweyne Deni ayaa horraanta asbuuca soo socda uga gudbi doona deegaanada gobolka Sanaag, waxaana uu tagi doonaa Badhan, isagoo xariga ka jari doona waddada Ceeldaahir iyo Badhan oo ay dhistay Dowladda Puntland. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Tababar u soo xiri doono in kabadan Kun…
Idil News ayaa baaritaan ku samaysay wararka been abuurka ah ee sheegaya in caasimadda gobolka sanaag ee Badhan loo diiday in lagu aaso Marxuum Yuusuf Jibriil oo dhowaan Nayroobi ku geeriyooday. Isimadda, Nabdoonada iyo qaybo ka mid ah Saraakiil kana soo jeeda qoska marxuumka ayaa noo xaqiijiyay in ay tahay warar been abuur oo sal iyo raad toona lahayn, Marxuumkana aan loo diidin in lagu aaso caasimadda Badhan. Sababta keentay in Cabdirashiid uu Mareegtii baraha bulshada ugusoo qoro in Laascaanood lagu aaso Marxuum in ay qayb ka tahay kadib markii uu Abwaaan Cabdirashiid codsaday in uu Badhan la imaanayo kooxo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo safar ku maraya Gobolka Mudug, ayaa maanta gaaray deegaanka Dhinowda ee Degmada Jariiban, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay shacabka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay bulshada deegaanka Dhinowda ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo taageerada ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa. Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka Dhinowda, ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato maamulka Degmada Jariiban, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saari doono xaaladda…
Gaalkacyo ayaa muddo sanado ah la dhibtoonaysay Biyo fadhiista qaar kamid ah xaafadaha magaalada iyo suuq weyn ee Gaalkacyo, kuwaas saameyn xooggan ku yeeshay nolasha bulshada iyo isu socodka xaadaha magaalada. Biyaha oo ka dhashay roobab badan oo qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa sababay in ay xirmaan dugsiyo waxbarasho oo ay kamid yihiin dugsiyada Bardacad iyo Ummada, oo ah dugsiyada hoose/dhexe ee ugu horreeyay oo Gaalkacyo yeelato. Sidaas oo kale, laamiyo laga hirgeliyay magaalada ayaa ku burburay Biyo fadhiisiga. Dhismaha Biyo-saarka Gaalkacyo. Dhowaan, Guddiga Horumarinta Gaalkacyo ayaa soo bandhigay qorshe ay doonayaan in lagu hagaajiyo hanaanka Biyo-saarka Gaalkacyo, waxaana daahfuray Madaxweynaha…
Dugsiyada Waxbarashada Puntland ayaa maalinta berri ah fasax la geliyay, Munaasabadda Xuska dhalashada Nebi Muxammed (NNKH) oo ku beegan berri oo Talaado ah darteed. 12 bisha Rabiicul Awal, ayaa sanad kasta dunida Islaamka laga xusaa munaasabadda dhalashada suubanaheena Nebi Muxammed (NNKH), iyadoo deegaanada Puntland iyo guud ahaan dhulkan Soomaalida ay isugu soo baxaan kumanaan shacab ah, kuwaas oo weynaynaya maalinta fadliga leh. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa loogu hambalyeeyay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida Xuska maalita qiimaha iyo fadliga badan. “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo…
Madaxweynaha Puntland, H.E Said Abdullahi Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii u horreeyay ee Puntland oo booqday degmada Towfiiq, oo dhacda cirifka Puntland. Bulshada Towfiiq ayuu Madaxweyne Deni uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, isagoo xusay in uu u yimid Towfiiq ogaanshaha baahiyaha bulshada degmada, iyo siddii wax looga qaban lahaa. Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay bulshada Towfiiq in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. IDILNEWS
Doorashada aan heysan heshiiska ee maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Hassan Sheikh Mohamud ka qabtay Galmudug, ayaa gabi ahaanba u muuqata mid fashilmatay, kaddib markii Maxkamadda Sare ee Muqdisho ay sheegtay in aan loo marin hanaan sax ah. Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in aysan sharci ahayn natiijada doorashada, oo Xassan Shiikh horrey u doonayay in uu kusoo saaro Liibaan Shuluq, iyadoo amartay in dib loogu laabto. Go’aanka ayaa lagu sheegay in ay tahay diriri siyaasadeed oo ka dhax socota kooxda Xassan Shiikh. Ahlu-sunna oo kamid ah jilayaasha doorashada Xassan Shiikh, uuna hoggaaminayo Shiikh Shaakir ayaa diiday natiijada doorashada, iyagoo sheegay in…