Baarayaal ka socda Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya ayaa tagay degmada Doollow, oo maalmo kahor ay ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub) oo labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS iyo Xildhibaan Qaran.
IdilNewa ayaa ogaatay in baarayaasha ka yimid labada dal, ay marar isxiga tageen Doollow, iyagoo meesha ka qaatay walxaha haraadiga ahaa gantaalka lagu dhoftay hoyga Gen. Shub.
Duqeynta oo dhacday jimcihii, ayaa Gen. Mahad Cabdiraxmaan waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, waxaana isaga iyo xaaskiisa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Jubbaland ayaa ku eedeeysay Turkey fulinta weerarka duqeynta ah ee lagu ekeeyay hoyga Gen. Mahad Cabdiraxmaan ee Doollow, isagoo fulinaya danaha kooxda Xassan Shiikh ee waqtigiisu dhammaaday.
IDILNEWS
