Ciidanka Booliska gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay labo gabdhood oo jirdil u geystay, muuqaalna ka duubay Gabar yar, kuwaas ku sugnaa magaalada Qardho.
Hoos ka akhriso War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland.
BOOLISKA PUNTLAND OO QARDHO KU QABTAY LABA EEDAYSANE
Qardho, September 08, 2026: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, ayaa magaalada Qardho gacanta ku dhigay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, oo ah laba eedeysane oo loo haysto jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah.
Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya gabar carruur ah oo loo geysanayo fal jirdil iyo tacaddi, iyadoo dhacdada muuqaal laga duubayay.
Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah uga hawlgalay dhacdadan, waxaana eedeysanayaasha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso, iyadoo baaritaan rasmi ah uu socdo.
Booliska Puntland wuxuu si adag uga digayaa cid kasta oo duubta, faafisa ama dib u baahisa muuqaallo muujinaya jirdil, tacaddi ama falal anshax-xumo ah, gaar ahaan kuwa la xiriira carruurta. Dadka waxaa loogu baaqayaa in aysan sii faafin muuqaallada noocaas ah, balse ay xogta la xiriirta dhacdooyinka noocaas ah si toos ah ugu gudbiyaan hay’adaha amniga.
Boolisku wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo carruurta loogana hortago fal kasta oo wax u dhimaya badqabka iyo karaamada bulshada.
IDILNEWS
