Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo qabtay Dumar jirdilay Gabar yar
    Puntland

    Booliska Puntland oo qabtay Dumar jirdilay Gabar yar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay labo gabdhood oo jirdil u geystay, muuqaalna ka duubay Gabar yar, kuwaas ku sugnaa magaalada Qardho.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland.

    BOOLISKA PUNTLAND OO QARDHO KU QABTAY LABA EEDAYSANE

    Qardho, September 08, 2026: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, ayaa magaalada Qardho gacanta ku dhigay Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur, oo ah laba eedeysane oo loo haysto jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah.

    Muuqaal laga helay dhacdada ayaa muujinaya gabar carruur ah oo loo geysanayo fal jirdil iyo tacaddi, iyadoo dhacdada muuqaal laga duubayay.

    Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah uga hawlgalay dhacdadan, waxaana eedeysanayaasha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso, iyadoo baaritaan rasmi ah uu socdo.

    Booliska Puntland wuxuu si adag uga digayaa cid kasta oo duubta, faafisa ama dib u baahisa muuqaallo muujinaya jirdil, tacaddi ama falal anshax-xumo ah, gaar ahaan kuwa la xiriira carruurta. Dadka waxaa loogu baaqayaa in aysan sii faafin muuqaallada noocaas ah, balse ay xogta la xiriirta dhacdooyinka noocaas ah si toos ah ugu gudbiyaan hay’adaha amniga.

    Boolisku wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo carruurta loogana hortago fal kasta oo wax u dhimaya badqabka iyo karaamada bulshada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.