Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo saraakiisha Mareykanka ah?
    Puntland

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo saraakiisha Mareykanka ah?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 31, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hogaaminaayo Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose .

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.

    Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, Iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kulanka kala qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    BOOSAASO: Puntland iyo Mareykanka oo labo arrimood ka wada-hadlaya

    August 31, 2026

    Ciidamo cusub oo la geeyay Garacad, kaddib go’aankii Madaxweyne Deni

    August 30, 2026

    Puntland Gains Western Policy Advantages

    August 30, 2026
    Latest Posts

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo saraakiisha Mareykanka ah?

    BOOSAASO: Puntland iyo Mareykanka oo labo arrimood ka wada-hadlaya

    Ciidamo cusub oo la geeyay Garacad, kaddib go’aankii Madaxweyne Deni

    Puntland Gains Western Policy Advantages

    Askartii Xananbuure ee lagu qabtay gudaha DDS oo Jigjiga loo qaaday

    Tirada dadka ku dhintay daadadka Nepal oo korortay

    Turkish Bid $5M Ransom for MV LUTUF, pirates says

    PUNTLAND: Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray Kumanaan Askari oo cusub

    Puntland oo si adag u cambaareeysay madax furasho Turkey siisay Burcad-badeed

    Qurbajoogta Iyo Dhisme-Wadaagga Puntland: Garab-staagga Xaafadda Istanbul.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.