Hay’addaha Amniga Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay Boqollaal kamid ah Ciidamo dhowaan uu tababar ugu soo xiray deegaanka Xananbuure, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Hassan Sheikh Mohamud.
IdilNewa ayaa ogaatay in Tirada Askarta la qabtay ay kabadan tahay 200 oo Askari, kuwaas oo meelo kala duwan kasoo Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Askarta Federaalka Soomaaliya ee lagu qabtay xuduudka Itoobiya ayaa ah dhallinyaro la askareeyay oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo horrey sifo sharci ahayn looga qoray deegaanka Soomaalida.
Dhallinyarada ayaa u sheegay laamaha Amniga DDS in lasoo siiyay fasax bil ah, aysana weli helin xuquuq rasmi ah oo mushaar iyo raashin ah.
Xogaha ayaa intaa ku daraya in Askarta la qabtay loo gudbiyay Jigjiga, halkaas oo lagu marin doono baaris adag, oo la xiriirta sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in gudaha Itoobiya loo soo daabulo, iyadoo ajanduhu yahay in ay fasax qoys ku tagaan deegaanka.
Itoobiya ayaa horrey walaac uga muujisay tallaabooyinka baalmarsan hanaanka dowladnimo ee uu wado maamulka Xassan Shiikh, waxaana dhowaan Addis Ababa ka yimid farriin adag oo Xassan Shiikh looga digay ka shaqeynta ficilo u adeegaya cadowga Itoobiya, kuwaas oo ay howllan yihiin isaga iyo kooxdiisa.
IDILNEWS
