Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»BOOSAASO: Puntland iyo Mareykanka oo labo arrimood ka wada-hadlaya
    Puntland

    BOOSAASO: Puntland iyo Mareykanka oo labo arrimood ka wada-hadlaya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 31, 2026Updated:August 31, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafti Sare oo ka socda Dowladda Mareykanka ayaa maanta ka deggaya magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jira dublamayaasiyiin iyo saraakiil ka socda Taliska AFRICOM.

    Xubnaha ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, iyagoo ka wada-hadli doono xoojinta iskaashiga Amni ee Puntland iyo Mareykanka.

    IdilNewa ayaa ogaatay in kulanka si gaar ah diirada loogu saari doono dadajinta dhismaha saldhiga Mareykanka ee Boosaaso iyo dhismaha Ciidamo Kumaandoos ah oo kamid ah Daraawiishta Puntland, kuwaas oo la howlgali doona Ciidamada Mareykanka ee degi doona Boosaaso, fulina doona howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo argagaxisada.

    Mareykanka ayaa aad u doonaya in iskaashi dhow oo uu la yeesho Dowladda Puntland, maadama mandiqada istiraatiijiga ah ay muujisay isku filnaansho amni iyo in si dhameystiran marar is xiga u jabisay cadowgeeda, sida argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab oo duullaano kusoo qaaday deegaanka, balse guuldarro kala kulmay.

    Madaxweyne Deni oo sabtidii soo gaaray Boosaaso, ayaa dadaal badan gelinaya in Sare loo qaado xiriirka Puntland la leedahay Saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, Ingariiska, Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta, kuwaas oo doorar kala duwan ku lahaa taageerada Howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish ee Hillaac oo ay Puntland ka fulisay buuraleyda Calmiskaad, laguna jebiyay argagaxisada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.