Tirada dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay dalka Nepal ayaa gaartay in kabadan 800 oo qof, halka 3000 oo qof oo kalena weli la la’yahay nolal iyo geeri.
Dadka aan ilaa hadda la hayn ayaa waxaa kamid ah 900 oo shaqaale ah, kuwaas oo ka howlgalayay Xarun Tamarta korontada ee Nepal, waxaana socda dadaalo lagu baadi goobayo dadkaan.
Daadadka Nepal ayaa ka dhashay burbur baraf oo ka dhacay buuraha Himilaaya ee Nepal, waxaana tani sababtay musiibo weyn oo galaafatay magaalooyin iyo deegaano badan oo dhaca Toggaga ka hooseeya buuraha Himilaaya.
Meydadka dadka ku dhintay daadadka ayaa qaarkood ku caariyay dalka Hindiya, kooxaha caafimaadka ayaana wada dadaalo ilaa arbacadii hore oo musiibadu dhacday.
IDILNEWS
