Ciidamada Badda Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u billaabay hawlgal istiraatiiji ah oo ballaaran, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga badda iyo magalooyinka xeebaha ay maamusho dowladda Puntland, iyadoo la doonayo in si buuxda looga ciribtiro kooxaha burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah, iyo dembiyada abaabulan ee ka dhaca baddaha Puntland.
Hawlgalkan oo ay si dardar leh u wadaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa ku billowday qorshe adag oo ay kaga jawaabayaan falal ay ku kaceen kooxo burcad-badeed ah oo isku dayaya inay afduubtaan ama qafaashaan maraakiibta biyaha caalamiga marsya ee kusugan marin-biyoodka caamaliga ah.
Wararka laga helayo sarakiisha ciidamadda badda Puntland ayaa tilmaamaya in hawlgalladu si weyn loo qorsheeyey si uga dhigta mid suurtagelinaysa in ay si fudud ugu daba-galaan kooxaha burcad-badeedda meelaha ay xeebaha ka xigaan ama ay ku dhuumaalaysanayaan.
Ciidamada Badda Puntland ayaa haatan la soo sheegaya in ay baacsanayaan kooxo dabley ah oo la sheegay inay qafaasheen maraakiib, iyagoo ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo xooggan oo isugu jira roondo iyo dabagalo joogto ah guud ahaan xeebaha dhaadheer ee Puntland.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee ay dowladda Puntland ugu jirto ilaalinta amniga ganacsiga badda, badqabka maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala marin-biyoodka muhiimka ah, iyo sidii loo dabagali lahaa halka ay ku sugan yihiin kooxaha burcad badeeda ee halista ku ah nabadda badda Puntland iyo guud ahaan isu socodka marakiibta ku safraysa biyaha caalamiga. Ciidanka Puntland ayaa muujiyey diyaar-garow buuxda oo ay kaga hortagayaan khatar kasta oo liddi ku ah xasilloonida badaha Puntland iyo guud ahaan Gobolka.
IDILNEWS
