Sirdoonka Masar ayaa ugu yeeray Qaahira, hoggaamiyaha maamulka Sool-Bari Cabdulqaadir Firdhiye, kaas maalmo kahor tagay, uuna deegaan u qabtay Safiirka Soomaaliya ee Masar Cali Cabdi Awaare.
Sidda ay heshay Idilnews, xiriirka Masar iyo Firdhiye ayaa waxaa ka shaqeeyay Xamse Cabdi Barre oo ku magacaaban Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ah ee Muqdisho iyo Agaasimaha Sirdoonka Muqdisho, Mahad Salad.
Masaarida ayaa doonaya in Firdhiye uu aqbalo in Laascaanood ay saldhig u noqoto, qorshe halis ku ah Amniga dalka Itoobiya, oo ay isku hayaan Biyo xireenka webiga Nile, iyadoo bedelkeeda Masaaridu taageero dhaqaale iyo hub siinaysa maamulka Sool-Bari.
Jabhada ONLF darafka Muudeey ayay Masaaridu doonaysaa in Laascaanood ay saldhig u noqoto, loona mariyo taageerada ay siinayso, iyadoo sidaas oo kale laga dajin doono maleeshiyaad kamid ah Askar dhowaan Xassan Shiikh Tababar ugu soo xiray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
IDILNEWS
