Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?
    Puntland

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 1, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada Dowladda Puntland oo howlaha shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga Amniga Gobolka Mudug, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
    ‎
    ‎Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
    ‎
    ‎Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan arrimaha amniga iyo nabadda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga, xoojinta nabadgelyada iyo ilaalinta danaha bulshada.
    ‎
    ‎Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amni iyo xasillooni waarta oo Gobolka Mudug ah.
    ‎
    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026
    Latest Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.