Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, oo ay wehlinayaan gudoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee gobolka, ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug, kaas oo uu ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, iyo dhammaan xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug.
Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga Gobolka Mudug, iyadoo xubnaha Guddiga Amniga ay ka wada hadleen xaaladaha amni ee ka jira gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambeynta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Mudug, si loo sii adkeeyo amniga, loogana hortago fal kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo kulamada amniga iyo in dhammaan hay’adaha ay khuseyso ay si dhow uga wada shaqeeyaan sugidda amniga gobolka.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, iyo xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa ka qayb qaatay falanqaynta xaaladda amni, iyadoo la isla eegay qorshayaasha iyo tallaabooyinka lagu sii xoojinayo amniga iyo badqabka shacabka.
Shirka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta, isku-duwidda howlaha amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada Gobolka Mudug.
IDILNEWS
