Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in Dowladdu dagaal lamid ah kii argagixisada Daacish la geli doonto kooxaha Burcad-badeeda ah.
Isagoo xalay la hadlayay bulshada Xaafuun, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Burcad-badeedu ay khatar ku tahay Mustaqbalka iyo maalgashiga Puntland, waxaana uu xusay in aysan aqbali doonin, ulana dagaali doonin sidda kooxda argagaxisada ah ee Daacish.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay xooga saari doonaan kobcinta dhaqaalaha deegaanada xeebaha ah ee Puntland, si gaar ah dhinacyada Kalluumeysiga, Beeyada, iyo dalxiiska, si wax looga bedelo nolasha bulshada deegaanada kunool.
Waxaa uu sheegay in dowladdu dardargelin doonto dhismaha Waddo laami ah oo ku xira degmooyinka xeebaha fog, deegaanada kale ee Puntland.
IDILNEWS
