Ciidamada daacada u ah Cabdicasiis Laftagareen, oo bilo kahor awood looga wareegay maamulka Koonfur Galbeed ayaa guulo ka sheegtay weerar ay isniintii shalay ku qaadeen magaalada Baydhabo, kaas oo sababay dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Baydhabo.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Laftagareen, Xassan Maxamed Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ay hub fara-badan ku qabsadeen dagaalka, ayna burburiyeen ilaa afar gaari oo ay lahaayeen ciidamada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh, ee jooga Baydhabo si ay u difaacaan maamulka Aadan Madoobe ee laga dhisay magaalada.
Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka Warfaafinta maamulka Laftagareen.
War kooban:
Dowladda Koonfur-galbeen waxaa ay halkaan ku cadeynaysaa in Ciidamada xaq u dirirka ah ee Daraawiisha ka KGS ay howl qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Baydhabo. Waxaan xaqiijinaynaa howlagsaasi uu guuleystay ka markii si aad u xirfadeysan loo qabanqaabiyay howlgal waxaa la burburyiyay gaadiid gaashaamaan oo uu si khaldan oo gardaro ah uu kaligii taliye Xasan Sheikh ugu soo daabulay koonfur-galbeen, ilaa afar gaari ayaa lagu guuleystay in si xirfadeysan loo burburiyo, kuwaasoo halis ku ahaa nabadda dadka deegaan lagu khalkhal gelin jiray bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool koonfur-galbeen.
Waxaa ay ay ciidamada daraawiishta si fudud kula wareegeen hub iyo raas kala duwan oo kala 88 AK-47, 52 PKM, 6 Ds-KS, 26 tons oo Bumbooyin ah, 51 fuurto shidaal ah 73 tons daawo ah iyo rasaas kala duwan. Waxaan dib loogu xoreyn doonaa deegaanadda kala duwan ee Koonfur-galbeen Soomaaliyeed.
Waxaa ka tacsiyaynaynaa dhamaan dadka ay waxyeeladda ka soo gaartay askar iyo shacab oo intoodda badan ay geysteen diyaaradaha ka yimid Muqdisho ee milkiyadooda leedahay gumeysiga Turkidda inta uu socday howl-galka maanta ay fuliyeen Ciidamada daraawiishta KGS.
Waxaa si aan daganaansho u jirin diyaarado loo daabulay daawaca ilaa 108 askari oo u kireysnaa Aadan Ansax. Kuwaasoo aan aheyd Ciidan Qaran, balse ahaan kireysanayaa.
Waxaan qiraynaa in xogaamiyaha kooxda kusoo duushay KGS calooshiis u shaqeystey Aadan Ansax iyo dhagar-qabe Xasan Eelay ay si dirqi ah uga badbaadeen gacanta Ciidamada Daraawiishta, hase ahaa waxaa hubaal in marko la arki doono iyagoo lagu maxkamadeynaayo shacabka hortoodda.
Maadaama si weyn looga qaxay magaaladda Baydhabo iyo xareeraheedda oo ay noolaateen 3.8 million oo qoys, ka dib markii dhibaatooyin fara-badan kala kulmeen Ciidamada duulaan ku yimid Baydhabo, taasoo ay sababteeda leeyihiin Xasan Sheikh iyo Aadan Madoobe.
Waxaa nagu maqaalo ah in Aadan Ansax uu Xasan Sheikh ka codsaday in isaga iyo kooxdiisa loo raro magaalada Baraawe hase ahaateen uu Xasan Culusow ka diiday arintaasi! Waxaan balanqaadaynaa inuusan ku badbaadi doonin taako ka mid ah dhulka Dowlad-gobaleedka Koonfur-galbeen, waxaana ugu baaqanaa inuu isu dhiibo ciidamada daraawiishta ee ku xareeraysan magaalada Baydhabo si buuga naxariista loogu furo, waa hadii uu aqligiisa shaqeynaayo.
Ugu dambeyn: waxaan bogaadinaynaa shacabiga koonfur-galbeen sida ay u garabtaagan yihiin Ciidamada xaq u dirir ka ah KGS.
Ugaas Xasan
Wasiirka Warfaafinta KGS.
IDILNEWS
