Cutubyo kamid ah ah Ciidamada Difaaca Puntland ayaa loo daabulay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo dhowaan ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Daraawiishta iyo PMPF Puntland ayaa wata gaadiid dagaal oo fara-badan, waxaana saaka ay gaareen deegaano ku yaal buuraleyda Calmadow.
IdilNewa ayaa ogaatay in ciidamada ay ku biiti doonaan ciidamo katirsan Dowladda Puntland oo horrey farriisimo ugu lahaa buuraleyda Calmadow, iyadoo la bilaabi doono howlgal culus oo lagu burburinayo kooxda Al-Shabaab oo joogis ku leh buuraleyda Calmadow.
Daabulka Ciidamada cusub ee Puntland ee Calmadow, ayaa imaanaya xilli habeeno kahor duqeymo culus lala beegsaday goobo muhiim ah oo kooxda Al-Shabaab ku lahayd Calmadow, sida kaydka hubka ee kooxda oo la burburiyay, Halka mid kamid ah duqeymaha lagu dilay xubno sare ah oo katirsanaa hoggaanka Al-Shabaab ee Calmadow.
Xubno sirdoon ayaa inoo xaqiijiyay in Duqeynta oo uu fuliyay Mareykanka oo kaashanaya Puntland lagu burburiyay qorshe ay diyaarinayeen hoggaanka argagaxisada Al-Shabaab, ayna doonayay in ay ku weeraraan ciidamada Puntland ee ku wajahan buuraleyda Calmadow, si ay dib ugu ridaan howlgalka ku wajahan.
IDILNEWS
