Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland
    Puntland

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 13, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyaad ku dagaalamay labo maalin kahor magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay in ay isaga baxaan gudaha magaalada kaddib Amarkii kasoo baxay Dowladda Puntland.

    Guddi ay Puntland u dirtay Badhan ayaa shalay u qabtay maleeshiyaad beeleedka dagaalamay, in kahor 8:00 subaxnimo ee axada maanta ah isaga baxaan gudaha magaalada, iyagoo sheegay in ciddii fulin wayday laga qaadi doono talaabo sharci ah.

    Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland, Fu’aad Xanaano oo Shirka go’aanka Guddiga shalay ka hadlayay, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin maleeshiyaad sita hub, aan sharci ahayn in ay dhex joogaan magaalada Badhan.

    Dhacdadii dagaal beeleedka ee jimcihii ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah, oo kasoo horjeeda dhaqanka iyo Diinta.

    Badhan ayaa waxaa ka socda mashaariic horumarineed oo baaxad leh, dagaalkii jimcihii ayaa la xaqiijiyay in ay ka shaqeeyeen xubno katirsan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh, kuwaas oo doonayay in ay suurad xumeeyaan Badhan, lana duugo dadaallada Puntland ee ku wajahan Amniga iyo horumarinta deegaanka.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    September 12, 2026

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    September 12, 2026

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    September 10, 2026
    Latest Posts

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Booliska Puntland oo qabtay Dumar jirdilay Gabar yar

    Puntland oo dhisaysa Waddo laami ah oo xiriirisa Boosaaso – Caluula

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.