Dowladda Turkey ayaa kasoo tarxiishay dalkeeda 50 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas kamid ah in kabadan 150 qof Soomaali ah oo laga qabtay magaalooyinka dalka Turkey.
Dadka lasoo tarxiilay oo maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa isugu jira bukaano Arrimo caafimaad u tagay Turkey iyo arday wax ka baranaysay dalkaas, kuwaas oo la qabtay xilli ay dhexmarayeen magaalooyinka dalkaas.
Sidoo kale, Turkey ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho kasoo dajiso in kabadan 100 muwaadin oo Soomaali, kuwaas oo hada ku jira xabsiyada dalkeeda.
Soomaalida ayaa ah ajaanibta kali ah ee lagu dhex beegsado gudaha Turkey, xilli Turkidu ay boqollaal Milyan ka qaataan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku leeyihiin joogis ballaaran, ayna gacanta ku hayaan garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.
Horey, Ganacsato Soomaalida ah ayaa caqabado kala kulmay Turkey, waxaana qaarkood loo geystay dhac, taas oo keentay in ay hoos u dhacaan Soomaalida degta Turkey ama ka iibsata guryaha.
IDILNEWS
