Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad la doonayay in la askareeyo oo loo wadday dugsiga tababarada ee maamulka Xassan Shiikh ee deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka ayaa saarnaa gaadiid Ciidan oo labo ah, waxaana lagu qabtay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo, xilli ay ka lumeen jidka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadka la qabtay ay kabadan yihiin 100 qof, waxaana ay u badan yihiin maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, iyadoo hada la geeyay Taliska dhexe ee Qeybta Booliska gobolka Mudug.
Hay’addaha Amniga Puntland ayaa wada baaris dheeraad ah oo ku wajahan maleeshiyaadka, qorshaha loo aruurinayay iyo halka ay kasoo kala jeedaan.
IDILNEWS
