Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 1, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa la filayaa in dhowaan uu magacaabo Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, kaddib muddo cabasho laga muujinayay hoos u dhaca shaqooyinka xafiisyada Dowladda, oo qaarkood xubnihii ku baxeen khilaafaad soo kala dhexgalay masuuliyiinta sare.

    IdilNewa ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni qorsheeynayay in todobaadkan uu sii daayo liiska Agaasimayaal Guud, kaddibna xijiyo Agaasime waaxeedyada, balse uu dib u dhigay, sababo shaqooyin badan oo horyaala maalmaha iyo safaro uu qorsheeynayo in uu ku maro degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Bari iyo Sanaag.

    Inta la xaqiijiyay badi Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda Puntland ayaa xilalka laga qaadi doonaa, kuwaas oo qaarkood ku jira shaqo joojino horrey loogu sameeyay.

    Tallaabada uu Madaxweyne Deni ku magacaabayo Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada ayaa loo arkaa isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee ku sameeyo Dowladda uu hoggaamiyo.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    October 26, 2026

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    October 25, 2026

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026
    Latest Posts

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.