Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa la filayaa in dhowaan uu magacaabo Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, kaddib muddo cabasho laga muujinayay hoos u dhaca shaqooyinka xafiisyada Dowladda, oo qaarkood xubnihii ku baxeen khilaafaad soo kala dhexgalay masuuliyiinta sare.
IdilNewa ayaa ogaatay in Madaxweyne Deni qorsheeynayay in todobaadkan uu sii daayo liiska Agaasimayaal Guud, kaddibna xijiyo Agaasime waaxeedyada, balse uu dib u dhigay, sababo shaqooyin badan oo horyaala maalmaha iyo safaro uu qorsheeynayo in uu ku maro degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Bari iyo Sanaag.
Inta la xaqiijiyay badi Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda Puntland ayaa xilalka laga qaadi doonaa, kuwaas oo qaarkood ku jira shaqo joojino horrey loogu sameeyay.
Tallaabada uu Madaxweyne Deni ku magacaabayo Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada ayaa loo arkaa isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee ku sameeyo Dowladda uu hoggaamiyo.
IDILNEWS
