Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo dhisaysa Waddo laami ah oo xiriirisa Boosaaso – Caluula
    {"source_type":"vicut","data":{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"19.3.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"ET","picture_id":"KQ83MKJY-13OG-7BU9-7ZEX-APD5BZWTLF1K","pictureId":"KQ83MKJY-13OG-7BU9-7ZEX-APD5BZWTLF1K","capability_name":"capcut_photo_editor"},"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"19.3.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"ET","picture_id":"KQ83MKJY-13OG-7BU9-7ZEX-APD5BZWTLF1K","pictureId":"KQ83MKJY-13OG-7BU9-7ZEX-APD5BZWTLF1K","capability_name":"capcut_photo_editor"}"}
    Puntland

    Puntland oo dhisaysa Waddo laami ah oo xiriirisa Boosaaso – Caluula

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabi doono waddo laami ah oo xiriirisa degmooyinka dhaca Barriga Puntland, ee gaaristoodu fog tahay.

    Isagoo xalay la hadlayay bulshada degmada Baargaal ee gobolka Raas-caseyr, ayuu Madaxweyne Deni sheegay in lasoo dhameeyay daraasad lagu sameeyay dhismaha waddo laami ah oo ka leexan doonta deegaanka Kala-beyr ee Boosaaso aadina doonta degmooyinka Isku-shuban iyo Ufeyn.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in marka lasoo gabagabeeyay dhismaha Waddada lasii amba qaadi doono, ilaa laga gaarsiiyo magaalada Caluula ee caasimadda gobolka Raas-caseyr, oo dhacda cirifka Bari ee Puntland, ahna aaga muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika.

    Waxaa uu xusay in Dowladda Puntland ay hadda gaarsiisay waddo laami ah degmooyinka Galbeedka Puntland ee gobolka Sanaag, iyadoo hadda Waddadu maraysa degmada Badhan, isagoo intaa ku daray ay dowladdu baadi goobayso Mashruuc weyn oo lagu dhiso waddooyinka degmooyinka Barriga Puntland, maadama ay yihiin dhul adag, oo u baahan buundooyin badan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo qabtay Dumar jirdilay Gabar yar

    September 8, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo qabtay Dumar jirdilay Gabar yar

    Puntland oo dhisaysa Waddo laami ah oo xiriirisa Boosaaso – Caluula

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.