Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»SANAAG: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagaya Badhan
    Puntland

    SANAAG: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagaya Badhan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maalmaha soo socda safar degdeg ah ku tagi doona magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

    IdilNewa ayaa heshay, in Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Dekedda leh ee Garacad ee gobolka Mudug – uu berri safar diyaaradeed ku gaari doono magaalada Boosaaso, halkaas oo ku qaabili doono Wafuud kala duwan.

    Madaxweyne Deni ayaa horraanta asbuuca soo socda uga gudbi doona deegaanada gobolka Sanaag, waxaana uu tagi doonaa Badhan, isagoo xariga ka jari doona waddada Ceeldaahir iyo Badhan oo ay dhistay Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Tababar u soo xiri doono in kabadan Kun Askari oo cusub oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland.

    Dhanka kale, Siciid Deni ayaa kulamo la yeelan doona maamulka gobolka, kan degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu halkaa kaga dhawaaqi doonaa mashaariic horumarineed oo cusub oo gobolka Sanaag laga hirgelin doono.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Sirdoonka Masar oo Firdhiye geeyay Qaahira, maxay ka doonayaan?

    August 26, 2026

    XOG: Ma dhab baa in Abwaan loo diiday in Badhan uu ku aaso Aabbihiis?

    August 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Dhinowda

    August 25, 2026
    Latest Posts

    XOG: Sirdoonka Masar oo Firdhiye geeyay Qaahira, maxay ka doonayaan?

    SANAAG: Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ku tagaya Badhan

    XOG: Ma dhab baa in Abwaan loo diiday in Badhan uu ku aaso Aabbihiis?

    Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Dhinowda

    Sidee loo qorsheeyay Biyo-saarka Gaalkacyo, maxaase loo duminayaa Suuqa Xero Dayax ?

    Dugsiyada Waxbarashada Puntland oo berri fasax la galiyay

    Madaxweyne Deni oo noqday Madaxweynihii u horreeyay ee taga Towfiiq

    Doorashada aan haysan heshiiska ee Galmudug oo la qaadacay

    Puntland oo ka digtay in madax furasho la siiyo Burcad-badeeda (War-saxafadeed)

    EYL: Turkey oo duqeyn ku dilay kalluumeysato Reer Puntland ah

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.