Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay : –
◆Amniga: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta amniga guud ee
Puntland oo meel wanaagsan maraya iyo warbixinada howlgaladii amni ee ugu danbeeyay sida Howlgalka Calmiskaad ka socda ee lagu beegsanayo Firxadka Argagixisada Daacish iyo Howlgalkii ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka ee ka dhacay Buuralayda Calmadow ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Alshabaab, iyadoo meelihii duqeyntu ka dhacday ay Ciidanku ka howlgaleen.
◆ Warbixinta Gobollada: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Golaha uga warbixisay
xaaladda degmooyinka iyo Gobollada Puntland, shaqooyinka ka socda iyo horumarada laga sameeyay hanaanka Dowladnimo ee heer Degmo iyo Gobol iyo in la hubiyo in adeegyada Dowladnimo ay si dhameystiran u gaaraan dhammaan degmooyinka iyo Gobollada Puntland.
➡ Xaaladda Bini’aadantinimo: Wasaaradda Gargaarka ee Dowladda Puntland ayaa
Golaha la wadaagatay warbixinta heerka xaaladda bini’aadantinimo ee Puntland, gaar ahaan saameynta Abaartu ku yeelatay dad iyo duunyo, iyo sidii loo sii horumarin lahaa dadaalka Dowladnimo ee looga jawaabayo xaaladda bini’aadanimo.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa Golaha la wadaagtay in si dhameystiran loogu diyaargaroobo Roobabka dayrta (Elnino) oo Sanadka la saadaaliyey kuwo xoogan in ay soo wajahanyihiin.
<
IDILNEWS
