Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu wadaa in maalmaha soo sodea uu u socdaalo dalka Mareykanka, kaddib casuumaad uu ka helay Xarun ka shaqeysa siyaasadda oo ku taal Washington.
Madaxweyne Cirro ayaa hoggaamin doona Wafti Sare oo Reer Somaliland, isagoo kulamo la yeelan doona xubno sare oo katirsan Dowladda Mareykanka, siyaasiyiin iyo Ganacsato Reer Mareykan ah.
Xogaha ayaa tibaaxaya in ay jiraan dadaalo ay wadaan xubno muhiim ah oo ku dhow Madaxweyne Donald J. Trump, kuwaas oo qorsheynaya in is arag ay yeeshaan Cirro iyo Trump.
Somaliland ayaa dadaal badan gelinaysa helitaanka aqoonsi caalami ah, waxaana 25 Dec, 2025, uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku dhawaaqay in Tel Aviv aqoonsatay Somaliland, iyadoo ay xigtay booqasho uu Madaxweyne Cirro ku tagay Israa’iil.
Aqoonsiga Israa’iil ayaa la aaminsan yahay in Somaliland uu furay albaab cusub oo dublamaasiyadeed, kaas oo wax weyn ka tiray miisaska caalamiga ah. Booqashada Cirro ee uu ku tagayo Mareykanka ayaana abuuraysa is weydiino la xiriira suuragalnimada in ugu yaraan Mareykanku dib u eego galka Arrimaha Somaliland.
Maamulka Muqdisho ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xassan Shiikh ayaa wada dadaalo looga hortagayo in Cirro uu la kulmo Madaxda Sare ee Mareykanka, kaddib markay fashilmeen isku dayo la doonayay in socdaalka lagu hor istaago.
IDILNEWS
