Gaalkacyo ayaa muddo sanado ah la dhibtoonaysay Biyo fadhiista qaar kamid ah xaafadaha magaalada iyo suuq weyn ee Gaalkacyo, kuwaas saameyn xooggan ku yeeshay nolasha bulshada iyo isu socodka xaadaha magaalada.
Biyaha oo ka dhashay roobab badan oo qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa sababay in ay xirmaan dugsiyo waxbarasho oo ay kamid yihiin dugsiyada Bardacad iyo Ummada, oo ah dugsiyada hoose/dhexe ee ugu horreeyay oo Gaalkacyo yeelato. Sidaas oo kale, laamiyo laga hirgeliyay magaalada ayaa ku burburay Biyo fadhiisiga.
Dhismaha Biyo-saarka Gaalkacyo.
Dhowaan, Guddiga Horumarinta Gaalkacyo ayaa soo bandhigay qorshe ay doonayaan in lagu hagaajiyo hanaanka Biyo-saarka Gaalkacyo, waxaana daahfuray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni.
Hirgelinta qorshaha ayaa hadda si rasmi ah u bilowday, waxaana burburin ku socota qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Xero Dayax ee Gaalkacyo iyo guryo ku dhow, si loo dhaqaajiyo wajiga 1aad ee mashruuca, oo ka kooban saddex waji.
Sida qorshuhu yahay aagaga la baneynaynayo ee suuqa Dayax, ayaa laga qodi doonaa “WAR BIYOOD” aad u weyn, taas oo lagu qaban doono Biyaha fadhiista suuqa Gaalkacyo iyo xaafadaha qaarkood oo loo sameyn doono marino kasoo qaada biyaha.
Kaddib dhismaha “WAR BIYOODA”, waxaa la aadi doonaa wajiga labaad ee mashruuca, iyadoo la sameyn doono kanaalo waa weyn oo ka qaada Biyaha WARTA, geeyana goobaha loo qorsheeyay oo uu kamid yahay Balliga Cirjiife.
Wajiga kowaad ee mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo ee hadda socda ayay ku baxaysaa lacag dhan 1.9 Milyan, waxaana 1 Milyan oo kamid ah bixinaysa Dowladda Puntland.
IDILNEWS
