Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiisada ganacsi ee Mareykanka iyo Canada oo xoogeysatay
    Somalia

    Xiisada ganacsi ee Mareykanka iyo Canada oo xoogeysatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wada-hadallo la doonayay in lagu soo afmeero dagaalka dhaqaale ee Mareykanka iyo Canada, ayaa guuldareystay kaddib markii ergada labada dhinac ay isku mari waayeen heshiis laga gaaro canshuuraha dheeriga ah ee Madaxweyne Donald Trump kusoo rogay Canada.

    Trump ayaa saaray Badeecaddaha ka yimaada dalka Canada ee gala Mareykanka canshuur dhan 50%, Canada oo ka carootay tallaabada ayaa si lamid ah saartay baddeecadaha Mareykanka canshuur lamid ah.

    73% Baddeecadaha ay soo saaraan Ganacsatada Canada ayaa loo iibgeeyaa gobollada kala duwan ee Mareykanka, canshuuraha dheeriga ah ee Trump ayaa si weyn looga dareemay suuqyada Canada.

    In kabadan 90 Kun oo shaqo ayaa lumay, halka 6% uu hoos u dhacay dhaqaalaha Canada ee GDP. Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay adkeysi muujiyaan, lagana gudbi doono waqti dhow xaalada adag, ee ka dhalatay canshuur kordhinta Trump.

    Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay canshuur kordhinta u saaray Canada mid uu ku doonayo in Canada ay noqoto gobol kamid ah Mareykanka, ama ay weydo xuquuqda dheeriga ah, lalana xisaabtamo.

    Dagaalka ganacsi ee Canada iyo Mareykanka ayaa loo arkaa mid aan sii socon karin, waxaana labada dal wadaagaan Arrimo badan, kuwaas oo soo dadajinaya heshiis la gaaro.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    October 14, 2026

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.