Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa kala socotaa howlgalka Ciidanka Puntland kusoo furteen Markabka Honour-25?
    Puntland

    Maxaa kala socotaa howlgalka Ciidanka Puntland kusoo furteen Markabka Honour-25?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal ciidamada Badda Dowladda Puntland ay maanta kusoo furteen Markabka Honour-25, kaas oo tan iyo bishii April ay koox Burcad-badeed ah ku haysatay xeebaha Bari ee Puntland.

    Ciidamada PMPF oo wata gaadiidka dagaalka ee Badda ayaa shalay hareereeyay Markabka Honour-25, kooxda oo dalbatay xalay in loo baneeyo jid, ayna ka degi doonaan ayaa aroornimadii saaka fulin waayay is afgaradkii lala gaaray oo ahaa in ay si nabad ah uga soo degaan, aysana jiri doonin cid dabagalaysa.

    Ciidamada Badda Puntland ayaa intaa kaddib weeraray Markabka MT Honour-25, waxaan howlgal socday waqti kooban kaddib suuragashay in ay si buuxda ula wareegaan Markabka oo uu leeyahay ganacsade Reer Puntland ah, siddayna shidaal.

    Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u xaqiijiyay IdilNewa in ay gacanta ku dhigeen 22 kamid ah kooxdii Burcad-badeeda ahayd ee markabka haysatay, iyadoo ciidamadu qaarkood kasoo qabteen berriga oo ay ku sugnaayeen.

    Khasaaraha ka dhashay howlgalka soo furashada Markabka Honour-25 .

    Inta la xaqiijiyay 5 kamid ah shaqaalaha Markabka Honour-25 ayaa meydadkooda loogu tagay Markabka, kaddib markii ay dileen kooxda Burcad-badeeda ah ee haysatay Markabka.

    Howlgalka ayaa yimid iyadoo maalmo kahor ay ciidamada Badda Puntland soo furteen Markabka MTT-SIBU1 oo lagu haystay xeebaha gobolka Mudug, waxaana howlgalka lagu qabtay maxaabiis, halka lagu dilay mid kamid ah kooxda Burcad-badeeda ahayd ee haysatay Markabka, qaar kalena la dhaawacay.

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhowaan ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Burcad-badeeda, isagoo sheegay in ay ula dagaalami doonaan si lamid ah kooxda argagaxisada ah ee Daacish, maadama ay halis ku yihiin Dowladnimada, ayna sumcad dilayaan mandiqada Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    October 2, 2026

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    October 1, 2026

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    October 1, 2026
    Latest Posts

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS

    Al-Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Muqdisho & diyaaradaha F-16

    PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650-KM from piracy

    الصومال في ظل التحولات الجيوسياسية الإقليمية والدولية

    UK oo waraaq kasoo saartay dagaalka Baydhabo ee Xassan Shiikh iyo Laftagareen

    Puntland oo beegsanaysa Maraakiib iyo doonyo sharci-darro ku jooga xeebaheeda

    DEGDEG: Burcad-badeedii haysatay Markabka MT Eureka oo isaga degay










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.