Hot Topics

Video:-Madaxweyne Farmaajo oo si Burhaan leh loogu soo dhaweeyay Sacuudiga

Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga.
 
Farmaajo ayaa dalka Sacuudi Carabiya kaga qeyb galaya shirka ay halkaasi ku yeelanayaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Turum iyo Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka, shirkan ayaana looga hadli doonaa arimo kala duwan.
 
Arimaha Muhiimka ah ee looga hadli doono shirkaasi ayaa waxaa kamid ah xoojinta xariirka Dowlada Mareykanka iyo wadamada Islaamka iyo sidii dagaal mideysan loola gali lahaa Kooxaha loogu yeero argagaxisada.
 
Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha ay ka jiraan dagaalada ay wadaan kooxaha islaamiyiinta, waxaana Shirkaasi laga yaabaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu ku codsado in dowladiisa gacan laga siiyo la dagaalanka Kooxda Al Shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka